HomeUjeeddada Socdaal Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maanta ugu amba-baxayo Dalka Ingiriiska

Ujeeddada Socdaal Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maanta ugu amba-baxayo Dalka Ingiriiska

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Addis Ababa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Cali Maxamed Waran-cadde oo maalmihii u dambeeyey ku sugnaa magaaladda Addis Ababa ee dalka Ethiopia, ayaa lagu wadaa inuu maalinta Berri ah socdaal shaqo ugu Kicitimo dalka Ingiriiska.

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo u warramay Warbaahinta Afka Dawladda ku hadasha,  waxa uu sheegay inuu socdaal shaqo ku tagayo dalka Ingiriiska, halkaas oo sida uu sheegay uu marti-qaad kaga helay shirkadda Shidaal Baadhista ka wadda Somaliland ee Genel Energy oo fadhigeedu yahay magaalada London ee xarunta dalka Ingiriiska.

waran“Berri subaxnimadda waxaan hore ka duulayaa Madaarka Addis Ababa, anigoo u sii jeeda Magaalada London, si aanu ugu biirro weftiga Wasiirka Arrimaha Dibadda ee ku sii sugan Ingiriiska, waxaanan ka degayaa Heathrow Airport ee magaalada London, waxaanan ku beegan nahay haddii ALLE yidhaahdo 2:30 galabnimo ee saacadda London oo aan ku degi doono Terminaalka sadexaad,” sidaa waxa yidhi Wasiirka Arrimaha Gudaha Md Cali Waran-cadde oo u warramay SomalilandOrg.

Wasiirku waxa uu sheegay in ay masuuliyiinta sar-sare ee shirkada Genel Energy ay la yeelan doonaan kulamo lagaga hadli doono sidii ay shirkaddaas u sii amba-qaadi lahayd hawlaheedii Baadhitaanka Shidaalka.

Shirkadda Genel Energy oo fadhigeedu yahay magaalada London, balse laga leeyahay dalka Turkiga, ayaa sannadkan horaantiisii Somaliland ka bilowday hawl-gallo la xidhiidha sahan ay ku samaynayso Shidaalka Somaliland, haseyeeshee waxa ay ahayd horaantii bishii Ogost ee Sannadkii markii ay gabi ahaanba joojisay hawlihi baadhista Shidaalka isla markaana ay dalka ka baxday, ka dib markii, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Shirkadaas, ay la soo gudboonaatay Xaalad-ammaan darro oo halis ku ah shaqaalahooda ku hawlan sahanka iyo hawl-gallada baadhista Shidaalka.

Masuulka ugu Sarreeya shirkadaas oo dhowaan socdaal ku yimi Somaliland, kulamo la qaatay madaxweyne Siilaanyo, ayaa sheegay inay dib u bilaabayaan Sahankii Shidaalka ee ay ka wadeen gobollada Bari ee dalka, haseyeeshee waxa uu arrintaas ku xidhay shuruudo la xidhiidha dhinaca ammaanka si ay u sii ambaqaadaan Hawlahooda.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories