HomeUjeeddada Socdaal uu Hargeysa ku yimi Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay...

Ujeeddada Socdaal uu Hargeysa ku yimi Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Arrimaha Soomaalida oo kulan la qaatay Madaxweyne Muuse Biixi

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan la yeeshay ergayga gaarka ah ee xog-hayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya Mr Michael Keating.

Kulankan uu madaxweyne Muuse Biixi la qaatay danjire Michael Keating, ayaa waxa ku wehelinayey, madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), guddoomiyeyaasha Guurtida iyo Wakiillada, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Baashe Maxamed Faarax iyo wasiirka arrimaha dibadda, Mudane Sacad Cali Shire, waxaana lagaga wada-hadlay arrimo door ah oo u ubucdoodu ahayd sidii loo xoojin lahaa wada-shaqaynta ay Jamhuuriyadda Somaliland la leedahay qaramada midoobay.

IMG_1000Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ergayga gaarka ah ee xoghayaha jimciyadda quruumaha ka  dhaxaysa u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Mr. Keating uga warramay horumarka  ay Somaliland ku tallaabsatay iyo sida ay diyaar ugu tahay inay beesha caalamka kala shaqayso wax kasta oo maslaxadda, danta gobolka iyo guud ahaanba midda caalamku jirto, waxana uu caddeeyey in xukuumadda uu hoggaamiyo ay ka go’an tahay sidii doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka ee sanadka soo socda qorshaysani ugu qabsoomi lahaayeen waqtigii loo asteeyey.

Ergayga gaarka ah ee xog-hayaha qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Mr. Keating, ayaa dhinaciisa madaxweynaha uga mahadnaqay dedaalka dhinacyada kala duwan leh  ee uu wado iyo sida kalsoonida leh ee uu ula shaqaynayo beesha caalamka, waxaana uu tilmaamay inay qaramada midoobay ka go’an tahay inay sii wadaan wada-shaqaynta dhaw ee ay la leedahay Jamhuuriyadda Somaliland.

IMG_1003Markii kulankaasi dhammaaday waxa faahfaahin kooban warbaahinta siiyey ka wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire,  waxaana hadalladiisii kamid ahaa,“Madaxweynaha iyo Ergayga gaarka ah ee xoghayaha jimciyadda quruumaha ka dhaxaysaa waxa ay ka wada hadleen waxyaabo badan oo la xidhiidha xagga amuuraha Bani’aadamnimada, xaaladda roobka sanadkan, arrimo la xidhiidha nabadgelyada, arrimo kale oo la xidhiidha doorashooyinka sanadka soo socda iyo sidii aynu guud ahaan inaga iyo jimciyadda quruumaha ka dhaxaysaa aynu u wada shaqayn lahayn.”

 

Kulankan dhexmaray madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa noqonaya kii labaad ee ay yeeshaan, muddada shan bilood ah ee ay xukuumaddani jirtey, waxaana uu ahaa kulan midho dhal ah oo jawi wanaagsan kusoo idlaaday.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories