HomeUjeeddada Socdaal Shaqo oo Wasiirka Ganacsiga iyo Maareeyaha Dekedda Berbera maanta ugu...

Ujeeddada Socdaal Shaqo oo Wasiirka Ganacsiga iyo Maareeyaha Dekedda Berbera maanta ugu baxeen Waddamo Afrika ah

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga caalamiga ah Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar iyo Mareeyaha Dekeda Berbera  Eng Cali Cumar Axmed (Cali Xoor-xoor), ayaa maanta u baxay safar ay ugu kicitimeen Waddamada Nigeria iyo Congo.

LOLUjeeddada socdaalka labada masuul ayaa la xidhiidha  daraasayn iyo qiimayn ay ku samaynayaan Dekedaha waddamadaas oo ay maamusho Shirkada Faransiiska ah ee Bollore oo dhawaan wada-hadalo ku saabsan maalgashiga Dekeda Berbera ay ku dhexmareen Waddanka Faransiiska Wefti Madaxweynaha Somaliland hoggaaminayo oo booqasho ku tagay dalkaas.

 Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo u waramayay warbaahinta intaanu ka dhoofin Garoonka diyaaraha Magaaladda Hargaya, ayaa faahfaahiyey ujeeddada socdaalkoosa.

“Waxaanu u baxaynaa safar aniga iyo Mareeyaha Dekeda Berbera Cali Xoor-xoor, annagoo u safridoona waddamada Nigeria iyo Congo, halkaas oo aanu qiimayn ku samayn doono Dekedaha ku yaal oo ay maamusho shirkadda Bollore oo dhawaana wada-hadalo ay dhexmareen waddanka Somaliland, waxaanu qiimayn ku samayn doona heerka wax soosaar ee dhinaca dhaqaalaha iyo qaabka shaqo ee Dekedahaas,” sidaas waxa yidhi wasiirka Ganacsiga Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar.

Shirkada Bolore oo laga leeyahay waddanka Faransiiska ayaa la filaaya inay maalgashi ku samayso Dekeda Magaaladda Berbera haddii ay ku heshiiyaan xukuumadda Somaliland.

Wasiirka Ganacsiga Somaliland ayaa hore u sheegay inay sharci-yaqaano caalami ah u kiraysteen ka-talo-bixinta heshiis ay xukuumaddu la gasho shirkadda Ballore, iyada oo dhanka kale ay shirkaddaasi ku heshiiyeen in guddi khubaro iyo xukuumadda Somaliland isugu jirta ay qiimayn iyo daraasadayn ku sameeyaan dekedo ku yaala qaaradda Afrika oo ay shirkadda Ballore maamulkooda gacanta ku hayso.

Socdaalka Wasiirka iyo Maareeyaha Dekedda Berbera ay ku tageen waddamadaas, waxa uga sii horeeya oo isaguna shalay socdaal kaga baxay magaalada Hargeysa Wasiirka Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Maxamed Biixi Yoonis oo la sheegay inuu weftigan gogol-xaadh ugu sii samaynayo socdaalka ay ku qiimaynayaan dekedo ku yaala Galbeedka Qaaradda Afrika oo shirkadda Ballore ay maamusho.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories