HomeUjeeddada Socdaal Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Xubno Golaha Wasiirrada ka tirsani ugu Baxeen...

Ujeeddada Socdaal Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Xubno Golaha Wasiirrada ka tirsani ugu Baxeen Dalka Ingiriiska (DAAWO)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Berbera, 09 May, 2013 (Ogaal)- Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo wefti uu Hoggaaminayo, ayaa shalay socdaal ugu kicitimay dalka Ingiriiska, halkaas  oo ay jaaliyadda kala qeyb galayaan Xuska munaasibadda 22-guurada dib-ula soo noqoshadii madax-banaanida Somaliland ee 18-ka May.

Madaxweyne Ku xigeenka oo shalay ka dhoofay madaarka Berbera, waxa socdaalkiisa ku wehelinaya Wasirrada Maaliyadda iyo Ganacsiga Md Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Md Cabdirisaaq Khaliif Axmed iyo La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Haweenka Marwo Amaal Xaaji Miisaan.

Madaxweyne Ku xigeenka oo qolka Nasashada ee madaarka Berbera saxaafadda kula hadlayay ayaa sheegay in socdaalkoodu la xidhiidho sidii ay munaasibadda 18-ka May ula weynayn lahaayeen Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan dalka Boqortooyada Ingiriiska.

“Aniga iyo Weftiga ila socdaa waxaanu ku sii jeednaa dalka Ingiriiska, si aanu ugala qayb-gelno jaaliyadda Somaliland ee ku sugan Carriga Ingiriiska, dabbaal-degga xuska sannad-guurada 22aad ee ka soo wareegtay dib-ula-soo noqoshadii Madax-bannaanida Somaliland,” ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenku.

Madaxweyne Ku xigeenka iyo weftigiisa waxa madaarka Berbera ku sii sagootiyay madaxda maamulka gobolka Saaxil, ka degmada Berbera, maareeyaha dekadda Berbera iyo xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada Somaliland.

DAAWO MUUQAAL

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories