HomeUjeeddada Socdaal Maalmo qaadanaya oo Guddoomiye Cirro iyo Wefti uu hoggaaminayaa Isniinta...

Ujeeddada Socdaal Maalmo qaadanaya oo Guddoomiye Cirro iyo Wefti uu hoggaaminayaa Isniinta Berri ugu baxayaan gobollada Bari ee dalka

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo wefti ballaadhan oo masuuliyiinta xisbiga ka tirsan, ayaa maalinta Berri ah la filayaa inay gobollada Bari ee dalka ugu baxaan socdaal dhoola-tus siyaasadeed ah oo xisbigu ku soo bandhigayo cududdiisa taageero isla markaana ku soo dhawaynayo taageerayaal cusub oo ku soo biiri doona.

Guddoomiye Cirro oo Xukuumadda Siilaanyo ugu baaqay inay Beesha Caalamka fasiraad mug leh ka siiso Mawqifka iyo qadiyadda MadaxbannaanideedaSocdaalka Guddoomiyaha Waddani ku galaa-bixinayo magaalooyin ka tirsan gobollada Bari ee dalka, gaar ahaan magaalooyinka Berbera, Sheekh, Burco iyo Oodweyne, ayaa la filayaa inuu qaato muddo dhowr maalmood ah, isaga oo safarkiisa ka bilaabi doona magaalooyinka Berbera iyo Sheekh oo maalinta Berri ah kaga qayb-geli doono munaasibad xisbigu ku soo dhawaynayo taageerayaal uga soo diga-roganaya Axsaabta kale ee siyaasadda.

Sida ay ila-wareedyo ka tirsan Xisbiga Waddani u xaqiijiyeen shabakadda Somalilandpost, safar guddoomiye Cirro iyo xisbigiisu maalinta Berri ah galaa-bixinayaan gobollada Beri ee dalka oo qaadan doona muddo Afar maalmood ah, ay habeen u hoyan doonaan magaalada Sheekh ee gobolka Saaxil ka dib munaasibado la qorsheeyey inay kaga qayb-galaan magaalooyinka Berbera iyo Sheekh, waxaanay maalinta Salaasadda ee todobaadkan ku beegan yihiin magaalada Burco halkaas oo ilaa shalay gelinkii dambe laga dareemayey diyaar-garowga soo-dhawaynta weftiga Gudoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo Xarunta gobolka Togdheer kulamo kala duwan kula yeelan doono taageerayaasha Xisbiga iyo Qaybaha kala duwan ee bulshada gobolkaas.

Xogaha la xidhiidha socdaalka Guddoomiye Cirro waxa ay intaas ku dareen inuu Guddoomiyuhu Safarkiisa ku soo Af-meeri doono magaalada Oodweyne ee xarunta gobolka Daad-madheedh oo uu kaga qayb-galayo munaasibad xisbigu taageeraal cusub ku soo dhawaynayo.

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani oo isla markaana ah Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ayaa la sheegaya inuu socdaalkiisa gobollada Bari soo gunaanado maalinta Jimcaha ee todobaadkan oo uu ku soo laaban doono magaalada Hargeysa, sida ay noo xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan Xisbiga Waddani.

Socdaalka Cabdiraxmaan-Cirro ee gobollada Bari oo u muuqda dhoola-tus siyaasadeed oo Xisbiga Waddani ku muujinayo Cududdiisa taageero, ayaa ku soo beegmaya laba todobaad dib safar noocan oo kale oo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayaa ku galaa-bixiyeen gobollada Galbeedka, gaar ahaan magaalooyinka Gabiley iyo Boorama, halkaas oo xisbigu xaflado ugu sameeyey taageerayaal cusub oo uga diga-rogtay xisbiga talada haya ee Kulmiye.

Sidoo kale, waxa uu guddoomiyuhu safarkan uga faa’idaysanayaa dib-u-dhac muddo todobaad ah dib loogu dhigay Kalfadhiga 26aad ee Golaha Wakiillada oo ku muddeysnaa inuu furmo Sabtidii shalay, haseyeeshee go’aan shir-guddoon oo ka shidaal-qaadanaya Wax-qabadka kalfadhiga oo qabyo ah, iyada oo dib loogu dhigay inuu Furmo maalinta Sabtida ee todobaadka soo socda oo ku beegan uun maalin ka hor marka uu guddoomiyuhu soo gebo-gabeeyo safarka uu ku marayo gobollada Saaxil, Togdheer iyo Daad-madheedh.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories