HomeUjeeddada Socdaal ay magaalada Laascaanood ku tageen Wefti uu hoggaaminayo Guddoomiye ku-xigeenka...

Ujeeddada Socdaal ay magaalada Laascaanood ku tageen Wefti uu hoggaaminayo Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Wakiillada

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Laascaanood (SLpost)- Wefti uu hogaaminayo Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada Somaliland Mudane Baashe Maxamed Faarax ayaa Maanta kormeer shaqo ku tagay Xarunta Gobolka Sool ee Laas Caanood.

Weftiga Guddoomiye Baashe waxaa xubno ka ah Wasiirka Wasaarada Ganacsiga,Wershadaha iyo Dalxiiska Mudane C.risaaq Khaliif Axmed, Maareeyaha Hay’ada Wadooyinka Somaliland ee SRA Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan iyo Madax kale.

Ujeedada socdaalka weftigan ayaa salka ku haya dardargelinta hawlaha Xisbul Xaakimka Kulmiye,gaar ahaan inay ka hawlgalaan soo bandhigida 21 Murashax ee uga qayb qaadanaya doorashada golaha deegaanka ee magaalada Laascaanood.

blankWeftigan uu horkacayo Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada Mudane Baashe Maxamed Faarax waxaa duleedka magaalada Laascaanood kaga hortagay maamulka gobolka,ka degmada laascaanood iyo dadweyne tiro badan.

Wasiirka Wasaarada Ganacsiga Warshadaha iyo Dalxiiska ee Somaliland Mudane C.risaaq Khaliif Axmed ayaa u mahadceliyay dhamaanba qaybaha bulshada ee soo dhawayntooda ka qayb qaatay waxaanu xusay in Maalinta beri ah ay soo bandhigi doonaan 21 Murashax ee Xisbiga Kulmiye uga qayb gali lahaa Tartanka doorashada golaha deegaanka ee magaalada Laascaanood.

Sidoo kale Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada Mudane Baashe Maxamed ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu yimaado magaalada Laascaanood oo nabadgalyo buuxdaa ay ka jirto isla markaana ay sii ambo qaadi doonaan hawlaha xisbul xaakimka Kulmiye ee ku aadan soo bandhigida Murashixiintiisa.

Weftigu intii aanay soo gaadhin magaalada Laascaanood waxaa si balaadhan loogu soo dhaweeyay degmada Yagoori iyo deegaanka Adhi cadeeye.

Somalilandpost.net

Hargeysa, Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories