HomeUjeeddada Socdaal ay Hargeysa ku joogaan Wefti Wasiirro ah oo Ka socda...

Ujeeddada Socdaal ay Hargeysa ku joogaan Wefti Wasiirro ah oo Ka socda Maamul-goboleedka Koonfur-Galbeed Soomaliya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wefti ka socda Maamul-goboleedka Koonfur-galbeed Soomaaliya ee xaruntiisu tahay magaalo-madaxda gobolka Bay ee Baydhabo ee dalka Soomalaiya, ayaa booqasho ku yimi Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, iyaga oo ujeeddada socdaalkooda ku sheegay mid salka ku haya Marti-qaad rasmi ah oo ay ka heleen Xukuumadda Somaliland.

Weftigan ka socda dawlad-goboleedka Koonfur-galbeed Soomaaliya oo shalay dalka soo gaadhay, ayaa la dejiyay Huteelka ADAMS-IN ee magaalada Hargeysa oo deris la ah Huteelka Ambassador, waxay ka kooban yihiin shan xubnood, waxaana Hoggaaminaya nin lagu magacaabo Ugaas Aweys Sheekh Xuseen oo sheegay inuu yahay Wasiirka arrimaha bini’aadanimada iyo xuquuqal Iinsaanka.

WEFTIGAWaxaanay Weftigani ujeeddada socdaalkooda ku sheegeen in lagu soo marti-qaaday Xuska 54-guurada ka soo wareegtay markii Calankii ugu horreeyey ee Soomaaliyi yeelato laga taagay Hargeysa ee ay Somaliland xornimada ka qaadatay Mustacmaraddii Boqortooyada Britain 26 1960-kii, oo 54-guurada ka soo wareegtay ku buuxdo maanta oo ay tahay 26 June 2014-ka. Hase-yeeshee, Xukuumadda Somaliland weli si rasmi ah ugamay hadal socdaalka Weftigaas iyo Marti-qaadka ay u fidisay toona.

“Waxaanu ka nimid dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, kadib markii aanu helnay Casuumad rasmi ah, oo nooga timid dawlada Somaliland, waxaanay Casuumaddani ku saabsan tahay 26 June oo ah maalin qiima weyn ku leh geyiga Soomaaliya, oo ah maalintii calan Soomaaliyi leedahay laga taago Somaliland. waxaana laga jooga 54-sannadood, oo aanu ka qayb galeyno xuska 26 June oo ah markii Somaliland xorriyada ka qaadatay Mustacmaradii Ingiriiska, waanan uga mahad-celinaynaa sida ay walaalahayo reer Somaliland noogu soo macsuumeen”.Sidaa waxa yidhi Ugaas Aweys Sheekh oo u waramayey Weriye Mustafe-Janaale

5Ugaas Aweys Sheekh waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi; “Somaliland waa dal nabad ah oo horumar sameeyay,inaan annaguna wax ka barano horumarkaa ay sameeyeen ayaanu doonaynaa, si aan ugu dabaqno dawladayada.Waxaanu jecel nahay inaanu hor-dhac u noqono Xidhiidh buuxa, wada-shaqayn, walaaltinimo, tolnimo oo aanu u bud dhigno ayaanu u nimi. Somaliland waa dhulka kaliya ee Soomaalinimada iyo sharafta iyo dadnimadu ay ku danbayso oo samaystay hay’adihii dawladnimo ee loo baahnaa,markaa waa inay dawlado baddani inay ku daydaan. Markaa waxaanu doonaynaa inaanu Somaliland cashar fiican ka barano waxa ay qabsadeen, oo aanu casharkaasna aanu u gudbino dawlada Koonfur Galbeed Soomaaliya”.

2Ugaas Aweys wuxu inta raaciyay oo yidhi; “Waxaanu dhambaal ka sidnaa Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Madoobe Nuunow Maxamed,kaasoo aanu gaadhsiin doono Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)”.

Saalax Sheekh Cusmaan oo sheegay inuu yahay Wasiirka Caafimaadka Dawlad Gobolkeedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa isna u mahad-celiyey masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Somaliland iyo Salaadiin ku soo dhaweeyay Madaarka Hargeysa, “Waxaanu nahay Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ay xarunteedu tahay Magaalada Baydhabo, waxaanu isugu jirnaa Wefti Wasiiro, Wasiir kuxigeeno iyo masuuliyiin kale ah, waxaanu maanta soo gaadhay Caasimada Somaliland ee Hargeysa, walaalahayaga oo aanu ka helnay Casuumad si aanu uga qeybgalno xuska 26 June oo ah bil taariikh weyn leh. Sidaa daradeed waxaan marka kowaad u mahad-celinaynaa oo aan ku hambalyaynaynaa umadda reer Somaliland meelkasta oo ay joogto, gaar ahaan intii isku hawshay inuu xidhiidhkayagu wanaagsanaado ee nagu macsuuntay Caasimada Somaliland ee Hargeysa”.Ayuu yidhi Saalax.

3Dhinaca kale, Cali Maxamed Yuusuf oo sheegay inuu yahay Xoghayaha Guud ee Odayaasha dawlad Gobolkeedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa isna kahadlay safarkooda Somaliland, waxaanu yidhi; “Xuska 26 June waa maalintii ay Somaliland Xorriyada ka qaadatay Ingiriiska, oo imika laga joogo 54-sanadood.Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya waxa lagu soo dhisay heer hoose, oo ay soo dhiseen Golaha odayaasha dhaqanka, nidaamka lagu soo dhisayna waxa uu ka mid yahay nidaamkii ay wax ku dhisteen walaalahayaga Somaliland oo ah nidaamka labada gole ee Guurtida Iyo Wakiillada iyo Xukuumadda.”

4“Sidaa daradeed Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya aad iyo aad ayay ugu faraxsan yihiin, inay wax ka bartaan nidaamka dawladnimo ee walaalahayaga Somaliland ay raaceen, ee horumarka iyo nabada ay ku gaadheen.Waxaanu rajaynaynaa tubtaa ay qaadeen oo kale inaan annaguna marno. Weftigani waxa uu hor-dhac u yahay xidhiidh wanaagsan oo wax wada-qabsi iyo mid walaaltinimo iyo mid ganacsi.Waxa maalmaha soo socda Somaliland imanaya Madxweynaha dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Madoobe Nuunoow Maxamed.” Sidaa ayuu yidhi Cali Maxamed Yuusuf.

Inkasta oo ay Weftigani sheegeen inay marti-qaad ka heleen Xukuumadda Somaliland, haddana dhinaca Xukuumadda Somaliland kama soo bixin wax war ah oo la xidhiidha weftigan ka socda Soomaaliya.
SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories