HomeUjeeddada Socdaal ay dalka ku yimaaddeen Wefti heer wasiiro ah oo ka...

Ujeeddada Socdaal ay dalka ku yimaaddeen Wefti heer wasiiro ah oo ka socda Dalka Jabuuti

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wefti balaadhan oo ka kooban Afar Wasiir iyo Mas’uuliyiin kale oo ka socda dalka Jamhuuriyada Jabuuti ayaa maanta booqasho ku yimid Caasimada dalka ee Hargaysa.

blankWeftigan oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaarada Cadaalada Jamhuuriyada Jabuuti Cali Faarax Casoowe, waxa xubno ka ah Wasiirka Warfaafinta ahna Afhayeenka xukuumadda Jabuuti Cali Xuseen Axmed, Wasiirka Hawlaha Guud iyo Deegaanka Xasan Cumar Maxamed, Wasiirul dawlaha Miisaaniyada Amare Siciid Cali,Gudoomiyaha Baanka dhexe ee Jabuuti Jaamac Xayd iyo Cali Cabdi Faarax oo ka mid ah Baarlamanka Jabuuti isla markaana ahaa Wasiirkii hore ee Wasaarada Warfaafinta ee Jamhuuriyada jabuuti.

Weftigan waxa madaarka Hargeysa ku qaabilay Wasiiro ka tirsan xukuumadda Somaliland oo ay ka mid ahaayeen Wasiirradda Arrimaha Gudaha Mudane Maxamed Nuur Caraale Duur, Warfaafinta Mudane Cabdi Yuusuf Ducaale Boobe,Hawlaha guud Md. Axmed Cabdi Xaabsadde, Cadaaladda Md. Xuseen Axmed Caydiid, Maaliyadda Md. C/Casiis Maxamed Samaalle, iyo madax kale.

Wasiirka Wasaarada Cadaalada ee Jamhuuriyada Jabuuti Cali Faarax Casoowe, oo warbaahinta kula hadlay madaarka Cigaal International Airport, ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin socdaalkooda Somaliland, waxaanu tilmaamay inay ka qeyb galayaan furitaanka faraxa wershadda weyn ee Coca Cola ee Somaliland Beverage Industry (SBI) oo maalinta Barri ah si rasmi ah xadhiga looga jarayo.

Wefti heerkiisu sareeyo oo ka socda dalka Jabuuti ayaa lagu soo marti-qaaday furitaanka warshadda weyn ee sharaabka Somaliland Beverage Industry (SPI) ee ku taala deegaanka Jaleelo ee waqooyiga Hargeysa warshadaasi oo ka hirgeliyay muwaadin Axmed Cismaan Geelle oo haysta jinsiyadaha Somaliland Iyo Jabuutiba.

Wasiirku wuxuu sheegay inay marti qaad ka heleen Ganacsadaha warshadan leh Axmed Cismaan Geelle oo labadda dal ee Somaliland iyo Jabuutiba ka hawl-gala.

Md. Casoowe wuxuu intaas ku daray in socdaalkoodu qaadan doono muddo laba maalmood ah,isagoo u mahad celiyay Wasiiradda tiradda badan ee soo dhaweeyay.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories