HomeUjeeddada Socdaal ay Dalka Kenya ugu baxeen Wefti uu hoggaaminayo Guddoomiyaha KULMIYE

Ujeeddada Socdaal ay Dalka Kenya ugu baxeen Wefti uu hoggaaminayo Guddoomiyaha KULMIYE

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost) – Guddoomiyaha xisbal-xaakimka haya talada Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa socdaal shaqo ugu baxay dalka Kenya maanta.

_DSC0205Weftiga Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo ay xubno ka yihiin Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga Md. Maxamed Kaahin Axmed iyo Wasiirka Wasaaradda Khayraadka Biyaha Somaliland Md. Xuseen Cabdi Boos, ayaa safarkoodu la xidhiidhaa martiqaad rasmi ah oo ay ka heleen dawladaha beesha caalamka ee Somaliland ka caawiya arrimaha doorashooyinka iyo horumarinta ee fadhigoodu yahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kuwaas oo kulamo dhexmari doona ay kaga wadahadli doonaan arrimaha wadashaqaynta iyo xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo dalalka qaadhaan-bixiyayaasha reer Yurub iyo Maraykanka ee caawimada siiya Somaliland.

Afhayeenka xisbiga KULMIYE Md. Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) oo warbaahinta faahfaahin la xidhiidha safarka Guddoomiyaha ku siiyey madaarka diyaaraha Hargeysa ee Egal waxa uu yidhi, “Guddoomiyaha weftigiisu waxay kulamo kula yeelan doonaan Nairobi safaaradaha dalalka reer Galbeedka oo ay ka mid yihiin Safaaradda Maraykanka iyo kuwo dalalka reer Yurub ah, waxay kaloo ay la kulmi doonaan xafiiska Midowga Yurub, hay’adaha caalamiga ah iyo Qaramada Midoobay, ujeeddadu waxay tahay in marka hore xog-warran laga yeesho arrimaha abaarta Somaliland iyo macluumaadkii ugu dambeeyey iyo baaqii ay xukuumaddu ka soo jeedisay oo ay tahay in loo bandhigo hay’adahaas. Ta labaadna waxa weeye in dawlaha iyo hay’adaha Somaliland ka taageeri jiray doorashooyinka lagu dhiirrigeliyo inay taageeradoodii halki ka sii wadaan, maadaama la muddeeyey doorashadii oo duruufaha dib u riixayna yihiin kuwo aan laga gudbin karin oo abaarta ah tahay, waxa weftigu doonayaa in isku aragti laga ahaado sababaha keenay dib-u-dhigga doorashada iyo sidii waqtigaa cusub loogu shaqayn lahaa ee cid waliba wixii ay ku ballanqaaday ama laga filayey ay la diyaargarowdo ayey u socdaan.”

Waxa kaloo uu sheegay in Guddoomiye Muuse Biixi uu kulamo la yeelan doono masuuliyiin ka tirsan dawladda Kenya muddada uu ku gudo jiro socdaalkiisa Nairobi, “Waa markii labaad ee Guddoomiyaha KULMIYE safar ugu baxo Nairobi oo uu la kulmo dawladaha iyo hay’adaha reer Galbeedka, waxa kaloo wehelin doona dawladda Kenya oo uu kala kulmi doono masuuliyiin ka mid ah, waxaannuna filaynaa in safarkaasi lagu guulaysan doono oo wax wanaagsani ka soo bixi doono,” ayuu yidhi Md. Xasan Gaafaadhi.

Dhinaca kale, Afhayeenka xisbiga KULMIYE waxa uu shaaca ka qaaday dhaqdhaqaaqyo isku mid ah oo dawladda itaalka daran ee dalka Soomaaliya iyo xisbiga mucaaradka Somaliland ee WADDANI kaga soo horjeedaan hirgelinta heshiiskii ay wada galeen Somaliland iyo Imaaraadka Carabtu ee saldhigga millatariga magaalada Berbera.

Isagoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Waxaan rabaa in aan bulshada u sheego in berri Baarlamanka iyo xukuumadda Soomaaliya ay mooshin keeni doonaan Baarlamanka oo ay kaga soo horjeedsanayaan heshiiskii ay wada galeen dawladaha Somaliland iyo Imaaraadku ee ku saabsanaa saldhigga Berbera, waxaannu leenahay Soomaaliya waa inay fahantaa in Somaliland tahay waddan gooni ah oo madaxbannaan oo arrimaheedana ay iyadu maamulanayso oo hore iyo iminka toona aanay cid u dabafadhiisan, wax ka xannibaya iyo wax ka joojinayaana aanay jirin.

Sidoo kale, waxa berri shir lagaga soo horjeedo saldhigga Berbera huteelka wayn ee Maansoor Hargeysa ka ballansaday xisbiga WADDANI, waa taariikh isku mid ah oo isu eeg in Xamar laga abaabulo mooshin ka dhan ah heshiiska Somaliland iyo Imaaraadka, isla mooshinkaas oo kalena uu ka dhaco huteelka Maansoor oo ay wadaan xisbiga WADDANI, maanu garan waxa isu beegay iyo sida ay u kulmeen labadaa arrimood.”

“Waxaannu leenahay ummadda reer Somaliland wixii danteedu ku jirto ayuun bay xukuumaddu ka shaqaynaysaa, cidina ugama lexejeclo badana, waxaanay ku fiicantahay wixii madmadow ah ee yimaada in gudaheenna lagaga wadahadlo, taas ayaanu annagu dhiirrigelinaynaa oo cid walba kula talinaynaa, heshiiskaasina waa mid meel maray oo ka dabahadalkiisa ciddii doontaaba ha ahaatee wax ka beddelmayaa ma jiro,” ayuu yidhi Afhayeenka xisbiga KULMIYE Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi).

HALKAN KA DAAWO: Muuqaalka Faahfaahinta safarka Guddomiyaha KULMIYE oo uu bixiyey Afhayeenka xisbiga Xasan Gaafaadhi

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories