HomeUjeeddada socdaal aan Hore loo sii Shaacin oo Wasiirka Arrimaha Gudaha, taliyeyaasha...

Ujeeddada socdaal aan Hore loo sii Shaacin oo Wasiirka Arrimaha Gudaha, taliyeyaasha Booliska & Sirdoonka ku tageen Dalka Jabuuti

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wefti culus oo uu hoggaaminayo Wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cadde, oo ay xubno ka yihiin Taliyeyaasha Ciidammada Booliska, Sirdoonka iyo Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka Somaliland, ayaa shalay socdaal aan ujeeddadiisa la shaacin ugu kicitimay waddanka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde ayay Weftigiisa ka mid yihiin, Taliyaha Booliska Sarreeyo Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Xasan Aadan iyo Taliyaha Sirdoonka Somaliland Jaamac Maxamed Bootaan. Masuuliyiintan oo shalay gelinkii dambe ka dhoofay garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa, ayaan ujeeddada safarkooda ay isugu raaceen Jamhuuriyadda Jabuuti wax faahfaahin ah ka siinnin warbaahinta, war kale oo Hay’adaha Qaranka ee ay Masuuliyiinta ka yihiin ka soo saarayna jirin.

Wasiir Waran-cadde oo Dhex-dhexaadinta Guddiga Guurtidu ka Dhex bilowday Garabyada Kulmiye ku micneeyey Mid lagu saxayo Khalad Sharci oo dhinacyada midkood ku kacay (DAAWO)Hase-yeeshee, waxa ay ila-wareedyo Wargeyska Himilo u tibaaxay Safarka Masuuliyiintan Qaranka Somaliland u qaabbilsan arrimaha nabadgelyada ay tibaaxeen, inay Masuuliyiintani magaalada Jabuuti ee xarunta Jamhuuriyadda Jabuuti u tageen ujeeddooyin la xidhiidha arrimo dhinaca ammaanka ah, oo ay labada Jamhuuriyadood wada-shaqayn ka leeyihiin.

Dawladda Jabuuti, ayaa xidhay isu-socodka Xuduudka ay la wadaagto dalka Jamhuuriyadda Somaliland, ka dib markii 24-kii bishii May sannadkan 2014-ka Qarax ka dhacay gudaha magaalada Jabuuti, kaasoo sababay dhimashada saddex Ruux oo kuwii is-qarxiyey ku jireen, 15 kalena ku dhaawacmeen, kuwaasoo la sheegay inay dalka Jabuuti ka galeen dhinaca Somaliland oo ay socdaal maalmo ku joogeen, ka dibna ay dadkaas oo ahaa laba qof oo Nin iyo Gabadh ahi fuliyeen Qaraxaas.

Xadka ay xidhay Jabuuti ka dib, waxay Hay’adaha Ammaanka iyo Ciidammada nabadgelyada iyo War-doonka Somaliland bilaabeen wada-shaqayn la xidhiidha helitaanka dadkaas iyo sida ay ugu kala gudbeen labada dal, waxay taasi sababtay inay Ciidammada Ammaanka Somaliland magaalada Hargeysa ee Caasimadda dalka ku qab-qabteen dad Muwaaddiniin ah, kuwaasoo ay 3 qof oo ka tirsan toddobaadkii hore dawladda Somaliland ku wareejisay Sirdoonka waddanka Jabuuti oo si qarsoodi ah diyaarad ugaga qaaday garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa.

Saddexdaa Muwaaddin ee ay Somaliland wareejisay ayaanay jirin wax Maxkamad ah oo la saaray iyo dembi ku caddaaday toona, Xukuumadda Somaliland-na weli kamay hadal, inkasta oo ay Ehelada dadkaas qaarkood iyo Hay’adaha Xuquuqda Aadamaha u dooda ee maxalliga ahi cambaareeyeen qaabka loo wareejiyey Muwaaddiniintaas.

Haddaba, arrimahaas iyo kuwo kale oo ku aroora xidhiidhka labada dal, ka wada-shaqaynta arrimaha ammaanka labada dhinac khuseeya iyo isu-socodka xadka Jabuuti iyo Somaliland, ayaa la filayaa inay Masuuliyiinta uu hoggaaminayo Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, ay kala hadlaan dhiggooda Jabuuti.

XIGASHO: HIMILO

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories