HomeUjeeddada Safar uu Dalka Imaaraadka Ugu baxay Madaxweynaha Somaliland iyo Wefti ballaadhan...

Ujeeddada Safar uu Dalka Imaaraadka Ugu baxay Madaxweynaha Somaliland iyo Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa maanta safar shaqo ugu ambo baxay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo madaxweynaha u fidiyey marti-qaad rasmi ah una soo diray diyaar khaasa oo ka qaaday garoonka diyaaraha ee Cigaal International.

museMadaxweynaha iyo weftigiisa oo ay xubno ka yihiin wasiirrada wasaaradaha Arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire, Qorshaynta, Mudane Cawaale Ibraahim Shirwac, Horumarinta Biyaha, Mudane saleebaan Yuusuf Cali Koore, Xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha distoorka, Mudane Maxamuud Xaaji Aadan. Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Boos Mire Maxamed iyo guddoomiyaha xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa dalka kaga baxay marti-qaad rasmi ah oo ay ka heleen dawladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta, waxaana madaarka caalamiga ah ee Cigaal International Airport ka qaadday diyaarar khaas ah oo Dalkaas looga soo diray.

muse1Ka hor intii aanay weftiga uu madaxweynuhu hoggaaminayaa ka ambo bixin madaarka Cigaal International Airport, waxa socdaalka weftiga faah-faahin ka bixiyey wasiirka horumarinta Biyaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore, isaga oo carrabka ku ballaadhiyey inay weftigu marti-qaad rasmi ah ka heleen dhaxal-sugaha dalka Imaaraadka Carabta, waxaana hadalladiisii kamid ahaa,
“Waxa dalka ka amba-baxay wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana ay u socdaan dalka Imaaraadka Carabta, iyaga oo casuumad rasmi ah ka helay dhaxalka sugaha boqortooyada Imaaraadka, Sheekh Maxamed Sheekh Saa’id Al-nahyaan, sidoo kale waxa nala socda guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe oo ay xisbiyada mucaaridka ah iyo madaxweynuhu isla garteen inuu raaco.

museeWasiirku waxa uu si gaar ah uga faah-faahin uga bixiyey waxyaabaha weftiga u qorshaysan inta ay ku sugan yihiin dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, isaga oo intaas ku daray inay wefti ahaan ku rajo weyn yihiin inay natiijo la taaban karo halkaas kala soo hoyan doonaan, “Inta madaxweynaha iyo weftigiisu dalkaas ku sugan yihiin waxa lagaga wada-hadli doonaa arrimo khuseeya labada dal ee Somaliland iyo Imaaraadka, horumarinta labada dal iyo horumarinta danaha guud ee labada dal iyo ta mandaqaddaba, aad iyo aadna waanu ugu faraxsanahay inaanu dal ahaan maanta halkaas marayno oo weftiga awooddaas leh maanta nalagu casuumo, anaga oo ka talin doonna ama kasoo hadli doona danaha Somaliland nooc ay tahayba ha ahaatee, waxaana aanu rajaynaynaa annaga war fiican, tallo fiican iyo ammuur fiican wadannana inaanu idinkula soo noqonno.

muse imaaraadkaMadaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftiga uu hoggaaminayo, ayaa la filayaa inay muddo maalmo ah halkaas ku maqnaadaan, waxaana muddada ay dalkaas ku sugan yihiin u qorshaysan inay kulamo la qaataan madaxda kala duwan ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories