HomeUjeeddada Safar ay dalka Jabuuti ugu kicitimeen wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Dhalinayarada...

Ujeeddada Safar ay dalka Jabuuti ugu kicitimeen wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Dhalinayarada & Ciyaaraha

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, 28 February, 2012 (SLpost)- Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada,Ciyaaraha iyo Dhaqanka ee Somaliland Mudane Cabdi Siciid Faahiye iyo wefti uu hogaaminayo ayaa fiidnimadii u duulay dalka Jamhuuriyada Jabuuti.

Ujeeddada socdaalka weftiga uu horkacayo Wasiirka dhalinyarada ayaa la xidhiidha ka qaybgalka xulka Somaliland uga qayb qaadan doona Tartanka Haaf Maaratoonka ee Wadamada Bariga iyo Badhtamaha afrika oo jimcaha soo socda ka furmi doona Magaalada Jabuuti.

Weftigan uu hogaaminayo Wasiirka Dhalinyarada Ciyaaraha iyo Dhaqanka ee Somaliland Mudane Cabdi Siciid Faahiye waxaa xubno ka ah Xulka Somaliland u meteli doona tartankaas,Xildhibaan Abubakar Cismaan oo ka tirsan Golaha Wakiilada, La taliyaha Wasiirka Wasaaraada Ciyaaraha Cabdirashiid Caydiid,Xoghayayaasha Xidhiidhada Ciyaaraha Fudud iyo Olombikadda,Fanaaniin iyo Xubno kale .

Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada,Ciyaaraha iyo Dhaqanka ee Somaliland Mudane Cabdi Siciid Faahiye oo warbaahinta dawlada la hadlay ayaa sheegay in mudada uu socdaalka ku joogo dalka Jamhuuriyada Jabuuti uu kulan la yeelan doono dhigiisa dalkaasi isla markaana ay ka wada hadli doonaan sii xoojinta xidhiidhka wax wada qabsi ee u dhexeeya labada dal waxaa kale oo Wasiirku intaas ku daray inay noqon doonto markii labaad ee ay Somaliland ka qayb gasho tartan noocan oo kale ah isla markaana uu rajaynayo inay guul kala soo hoydaan.

Weftiga Wasiirka Ciyaaraha waxaa ku sii sagootiyay La taliyaha Kowaad ee Wasiirka Ciyaaraha Rashiid Cismaan Lugay ,Gudoomiye ku xigeenka Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud Safiya Cabdilaahi iyo aqoon yahano kale.

SOMALILANDPOST NEWS

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories