HomeUjeeddada Saddex Xeer oo Guddiga Sare ee Cadaaladda Somaliland u soo bandhigeen Madaxweyne Muuse...

Ujeeddada Saddex Xeer oo Guddiga Sare ee Cadaaladda Somaliland u soo bandhigeen Madaxweyne Muuse Biixi iyo faahfaahinta Kulan dhexmaray

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta kulan muhiima la qaatay  hoggaanka maxkamadda sare iyo xubno kamid ah bahda garsoorka Somaliland.

Kulankan madaxweynuhu la qaatay Maxkamadda sare iyo bahda garsoorka ayaa ah kii u horeeyey ee ay madaxweynaha ugu yimaadaan intii uu xilka la wareegay madaxweynuhu, waxaana laga wada hadlay oo mudnaanta koowaad la saaray sida ay u socoto hawsha maxkmadda sare iyo bahda garsoorka Somaliland.

IMG_0626Waxa kale oo kulanka lagaga wada hadlay muhiimadda iyo mudnaanta ay leedahay maxkamadda sare iyo doorka ay ka qaadato hawlaha qaranka ee ay hayso, waxaanay madaxweynaha u soo jeediyeen xeerar dhawr ah oo baahi gaar ah u qabtaan inuu wax kala qabto, kuwaas oo kala ah:

–          Xeerka xuquuqda garsoorka

–          Xeerka Nidaamka garsoorka

–          Xeerka Maxkamadda sare

Waxa kale oo lagu soo qaaday kulanka arrinta fulinta xukunnada ay fuliso maxkamaddu sidii loo dhaqan gelin lahaa, waxa sidoo kale laga wada hadlay sidii loo kordhin lahaa Bajadka, mushahaarooyinka maxkamadda sare, gaar ahaan iyo bahda garsoorka.

IMG_0001Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Biixi waxa uu soo dhaweeyey kuna ammaanay, kuna hambalyeeyey shaqada maxkamadda sare iyo bahda garsoorku u hayaan qaranka iyo shacbigiisa, waxaanu ku sii adkeeyey inay halkaa ka sii wadaan hawlaha qaran ee ay hayaan, waxaanu u sheegay inuu ku qanacsan yahay sida ay u gudanayaan waajibaadkooda shaqo.

Ugu dambayntii madaxweynuhu waxa uu u muujiyey taageero buuxda bahda garsoorka, isagoo u ballan qaaday inuu gacan weyn ka geysan doono guud ahaan arrimaha garsoorka iyo caddaaladda,  ha noqoto wixii kulanka lagaga wada hadlay ama wixii ka baxsanba, xukuumaddana ay ka go’an tahay tayeynta iyo kor u qaadida nidaamka garsoorka iyo caddaaladda, Isagoo mar kale ku dhiirrigeliyey inay doorka muuqda ee ay hayaan sii xoojiyaan, siina libin laabaan oo halkaa ka sii wadaan hawlaha qaranka.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories