HomeUjeeddada Kulan sal-ballaadhan oo Guddoomiye Muuse Biixi la yeeshay Xildhibaannada Kulmiye ugu...

Ujeeddada Kulan sal-ballaadhan oo Guddoomiye Muuse Biixi la yeeshay Xildhibaannada Kulmiye ugu jira G/Wakiillada

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Shabeel1Hargeysa, (SLpost)- Waxa shalay Kulan aan warbaahinta loo ogolayn magaalada Hargeysa ku yeeshay Hoggaanka Xisbiga talada haya ee Kulmiye iyo mudaneyaasha golaha Wakiillada kaga jira Xisbigaas.

Kulankan oo guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md Muuse Biixi uu xildhibaannada ku qaabiley hadhimo-sharafeed uu qaban-qaabadeeda iska lahaa, ayaa ujeeddada qabsoomiddiisa looga dan lahaa ahayd sidii uu xisbigu ku wejahi lahaa marxalado xambaarsan kala-qoqobnaan siyaasadeed oo wakhtigan ku gedaaman siyaasadda Xisbiga ee hoggaaminta dalka iyo qaban-qaabada shirweynaha Kulmiye oo wakhtigan lagu gudo-jiro.

Si aanu xogo dhab ah uga helno nuxurka waxyaabihii kulankaas lagaga wada-hadlay, waxa uu Wargeyska HIMILO wax ka weydiiyey Arrintan Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac-Shabeel), waxaanu ujeeddada kulankaas ku sheegay mid lagu xoojinayey wada-shaqaynta xildhibaannadii hore ee Kulmiye iyo mudaneyaal cusub oo dhawaan ku biiray Xisbigaas.

Md Jaama Shabeel waxa sheegay in guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi uu fidiyey marti-qaadka hadhimo-sharafeedkan, isla markaana ay ujeeddadiisu ahayd sidii loo dar-dar gelin lahaa xidhiidhka wada-shaqayneed Xildhibaannada iyo xisbiga.

“Kulankan waxa qabtay guddoomiyaha xisbiga kulmiye Muuse Biixi Cabdi, waxaanay ujeedadiisu ahayd, xoojinta wada shaqaynta xisbiga iyo mudanayaashiisa, iyo waliba isku xidhka mudanayaashii hore ee xisbiga ka soo baxay iyo kuwa ku soo biiray maadaama oo ay tiradoodu badan tahay,” ayuu yidhi Md Jaamac oo aanu weydiinnay ujeeddada uu kulankaasi darranaa.

Mar aanu weydiinnay tirada mudanayaasha kulankaasi ka qayb-galay, waxa uu sheegay in mudaneyaasha golaha Wakiillada badankoodu ku sugnaayeen hadhimo-sharafeedka Guddoomiyaha Kulmiye ku marti-qaaday. “Dhawr iyo afartan mudane ayaa joogay amase badiba mudanayaashii,” ayuu yidhi Jaamac Shabeel.

Jaamac Shabeel oo aanu weydiinnay su’aal nuxurkeedu ahaa inay kulankooda kaga hadleen ansixinta xeer hoosaadka la ansixiyey ee golaha Wakiillada maadaama oo xildhibaannada golahaasi ku kala aragti duwanaayeen, waxa uu ku jawaabay, “Arrintaasi waa mid u gaar ah golaha wakiilada, mana aha arrin xisbi, xisbiga Kulmiyena shaqo kuma laha, waayo waa arrin golaha dhexdiisa ah, oo xeer-hoosaadku waa sidii goluhu uwada shaqaynayo iyo siday shaqadooda u gudanayaan, mana aha wax cid dibada uga baxsani shaqo ku leedahay,” ayuu yidhi.

Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo aanu weydiinnay su’aal u dhignayd, ‘Ansixinta xeer-hoosaadka cusub ee golaha wakiiladu siyaasiyan saameyn intee le’eg bay ku leedahay xisbiga Kulmiye?’, waxa uu ku jawaabay, “Saamayn siyaasadeed naguma laha, sidee ayey noogu yeelan, waayo goluhu waa wada Kulmiye,” ayuu yidhi Md Jaamac Shabeel.

Si kastaba ha ahaatee, kulan shalay dhexmaray hoggaanka Xisbiga Kulmiye iyo mudaneyaasha ugu jira golaha Wakiillada, ayaa daba-socday kulan habeen hore aqalka madaxweyne ku-xigeenka ku dhexmaray xubno Wasiirro ah iyo labaataneeyo mudane oo ka tirsan Golaha Wakiillada, kaas oo la sheegay in lagaga wada-hadlay saamaynta uu xukuumadda ku yeelan karo xeer-hoosaadka golaha ee la ansixiyey, kaas oo kala dhantaalay awooddii ay shir-guddoonka ku lahaayeen labada guddoomiye ku-xigeenka ee Wakiillada oo ka tirsan Xisbiga Kulmiye.

Xigasho: Himilo

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories