HomeUjeeddada Kulan markii u horreysay Dhexmaray Badhasaabka cusub ee gobolka Saaxil iyo...

Ujeeddada Kulan markii u horreysay Dhexmaray Badhasaabka cusub ee gobolka Saaxil iyo Maamulka Degmooyinka gobolkaasi ka kooban yahay (SAWIRRO)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Berbera (SLpost)- Badhasaabka Gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar, ayaa maanta Kulan Ballaadhan la Yeeshay guddoomiyaasha degmooyinka uu ka kooban yahay gobolka Saaxil, waxaana kulankaas lagu lafo-guray xaaladdaha nabad-gelyada iyo horumarka dhinacyada Arrimaha bulshada.

DSC00079Kulanka oo ku qabsoomay xarunta Maamulka gobolka Saaxil, waxa ka qayb-galay badhasaabka gobolka oo uu wehelinayey guddoomiye ku-xigeenka gobolka Saaxil Khadar Cali Faarax, Xoghayaha gobolka Ibraahim Oogle Cilmi, Guddoomiye ku-xigeenka degmada Berbera Yacquub Xuseen iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka Mandheera, Laasciidle, Go’da Weyn, Sheekh, Xagal, Laaso-dacawo iyo Bullaxaar.

Kulankaas ayaa lagu lafa-guray baahiyaha ka jira degmooyika hoos-yimaada gobolka Saaxil iyada oo lagu kuur-galayay hawlaha amniga iyo adeegyada bulshada ee dhinacyada biyaha, caafimaadka, iyo waxbarashada.

Badhasaabka gobolka Saaxil
Badhasaabka gobolka Saaxil

Badhasaabka gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar oo kulankaas ka hadlay, ayaa war-bixinno kala duwan ka dhegaystay masuuliyiinta uu kulanka la qaatay, waxaanu dhiirri-geliyey sidii ay uga wada-shaqayn lahaayeen horumarin tabaahiyaha aasaasigaa.

Badhasaabka gobalka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar, waxa uu faray maamulka degmooyinka in wax-tarka iyo horumarinta xukuumadda dhexe ku taageerayso horumarinta adeegyada bulshada ay ku xidhnaan doonto lagu qiimayn doono heerka dakhliga ay soo saarto.

Waxa kale oo badhasaabku halkaas ka sheegay inay maamul ahaan muddo tabobar aqoon-korodhsi ah oo soconaya afar maalmood u furi doonaan Xoghayeyaasha degmooyinka, taas oo uu xusay inay qayb laxaad leh ka qaadan doonto dhinaca dakhli-ururinta.

DSC00075Kulankaas waxa hadallo ka jeediyey Gudoomiyha Degmada Xagal, Yuusuf Axmed Maxamed, gudoomiye ku xigeenka degmadaas Cabdiraxmaan Muuse Ciise, Xoghayaha Degmada Xagal Maxamed Cabdi Haaruun, Guddoomiyaha degmada Mandheera Yaasiin Dhamac, gudoomiye ku Xigeenka Degmada Mandheera Aar Qaadi Jaamac, Xoghayaha Degmada Mandheera Cabdiraxmaan Muuse Cilmi, Xoghaya Degmada Laas-Ciidle Cabdiraxmaan Yuusuf Xasan, Gudoomiyha Degmada Go’da Wayn Cabdilaahi Cabdi Cali, Gudoomiye ku xigeenka degmadaas Cabdi Geedi Xoghayha Degmada Goda Wayn Deeq Cabdi Warsame, Xoghayaha Degmada Sheekh Cali Dheere, Gudoomiyaha Degmada Laasa-dacawo Muuse Yaasiin Axmed, Gudoomiye ku Xigeenka Degmada Laaso-Dacawo Maxamed Ismaaciil Jaamac, Gudoomiyaha Degmada Bulaxaar Maxamuud Qawdhan Ayax, Gudoomiye Ku Xigeenka Degmada Bulaxaar Maxamed Xasan Muuse.

Waxaanay dhammaantood masuuliyiintaasi war-bixinta deegaamada ay ka yimaaddeen ku wareejiyey maamulka gobolka Saaxil, ayaa dhammaantood soo qaaday baahiyaad dhinacyo badan oo ka jira deegamada ay ka yimaaddeen.

Kulankan ayaa noqonaya markii u horreysay ee Guddoomiyaha gobolka Saaxil la yeeshay maamulka heer Degmo tan iyo markii madaxweyne Siilaanyo xilka u magacaabay bishan horaanteedii.

 

Somalilandpost.net

Berbera News Desk

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories