HomeUjeeddada Kulan Hargeysa ku Dhexmaray Dowladaha Somaliland iyo Sweden

Ujeeddada Kulan Hargeysa ku Dhexmaray Dowladaha Somaliland iyo Sweden

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Kulan ujeeddadiisu tahay kor-u-qaadista wada-shaqaynta iyo xidhiidhka labada waddan ee Somaliland iyo Sweden, ayaa maanta ku qabsoomay magaalada Hargeysa.

Kulanka ayaa dhexmaray Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaas Maxamed Yusuf Ismaaciil iyo Safiirka Dowlada Sweden u qaabilsan Jamhuuriyadda Somaliland iyo Somaliya, Ambassador Per Lindgärd iyo Wefti uu hogaaminayo oo socdaal ku yimi dalka.

War-saxaafadeed lagu faahaahiyey arrimaha lagaga hadlay Kulanka oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, ayaa u qornaa sidan:- “Kulankan oo ka qabsoomay Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, waxaa lagaga wada hadlay xidhiidhka labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawlada Sweden, iyadoo Dawlada Sweden ay ka mid tahay saaxibada Somaliland, xidhiidh aad u sareeyaana ka dhexeeyo labada dal.

Intii uu socdey kulankani waxaa lagaga wada hadlay arrimaha nabadgelyada, guud ahaana nabada Mandaqada Geeska Afrika, iyadoo Safiirku ka dareen celiyey nabadgelyada ka jirta Somaliland iyo horuumarka ka socda dal, kaasoo dhinac walba leh, iyadoo kulankan la iskula qaatay xoojinta xidhiidhka labada dalka, iskaashiga dhinaca nabadgelyada iyo fududaynta isu-socodka labada dal, taasoo ah mid muhiim ah labada dhinac.

blankSafiirka ayaa u mahadnaqay Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL, Maxamed Kaahin Axmed, sida uu u soo dhoweeyey, iyadoo ay Safiirka ay wehelinayeen Saraakiil sar sare oo ka socda Dawlada Sweden, dhinaca kale Wasiirka waxaa kulanka ku wehelinayey Agaasime Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo madax kale oo ka tirsan Wasaaradda Arimaha Gudaha, iyadoo kulanku ku soo dhamaaday isfaham iyo jawi aad u fiican,” sidaas ayaa lagu sheegay warka ku saabsan kulanka dhexmaray labada dhinac.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories