HomeUjeeddada Kulan Guddoomiyaha Saaxil la yeeshay Masuuliyiinta Laamaha dawladda ee Gobolkaas

Ujeeddada Kulan Guddoomiyaha Saaxil la yeeshay Masuuliyiinta Laamaha dawladda ee Gobolkaas

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Berbera (SLpost)- Shir Toddobaadle ah oo uu Guddoomiyaha gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar Guddoomiyo oo ay isku-xog-waraystaan Masuuliyiinta laamaha kala duwan ee dawladda ee heer gobol iyo Degmo, waxaa kulankooda maanta kala qaybgalay Wasiir Ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Cilmi.

DSC00079Shirkaas oo lagu qabto xarunta Maamulka gobolka Saaxil ee magaalada Berbera, ayay Madaxda Laamaha dawladda gobolka Saaxil ee fadhigoodu yahay Berbera iyo Wasiir-ku-xigeenka ayaa ka qaybgalay kulankaas maanta, waxaana uu sheegay in Guddoomiyaha Saaxil Mr. Fahmi in kulankooda maanta diiradda lagu saari doono, arrimaha Laydhka iyo Biyaha maaddaama oo ay Berbera tahay Xeeb u nugul biyaha iyo Korontada, wakhtigan Ramadaanta lagu jiro oo ku soo beegantay xilligii Xagaaga ee Kulaylku badnaa ay muhiim tahay in wax la iska weydiiyo.

Waxa wax la iskaga weydiiyey in si gaar ah loogu dedaalo helitaanka Biyaha iyo Laydhka iyo inaanay ka kala go’in qaybaha kala duwan ee magaalada wakhtigan hadda lagu jiro maaddaama oo aad loogu baahi badan yahay Laydhka iyo Biyaha. Waxaanu Badhasaabka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar u soo jeediyey Masuuliyiinta Laamaha dawladda ee gobolka Saaxil inay dhawaraan saacadaha shaqada, oo ay weliba si gaar ah u dhawraan Masuuliyiinta iyo Shaqaalaha Wakaaladaha Biyaha iyo Laydhka.

Wasiir Ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Cilmi, oo isaguna kulankaas ka hadlay, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay sida ay Maamulka gobolka iyo Masuuliyiinta kale ee Laamaha dawladda ee gobolka Saaxil isugu xidhan yihiin iyagoo gudanaya waajibaadkooda ah ka wada-shaqaynta horumarinta adeegyada ay Bulshada iyo Qaranka Masuulka uga yihiin.

Waxa uu Wasiir Ku-xigeenku u soo jeediyey in lagu dedaalo in arrimaha nabadgelyada iyo horumarintoodana ay ku dedaalaan Masuuliyiinta iyo Shacabka ku dhaqan guud ahaan gobolka Saaxil iyo xarunta gobolkaas ee Berbera, maaddaama oo sida uu sheegay nabadgelyadu tahay shayga ugu muhiimsan ee sahlaya wada-shaqaynta ka dhaxaysa, habsami-u-socodka Hawlaha ay Qaranka iyo Bulshada u hayaan iyo wada-noolaanshaha Bulshada-ba.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories