HomeUjeeddada Kulan Dhexmaray Xukuumadda iyo Culimada dalka qaarkood iyo Arrimo Xaasaasi ah...

Ujeeddada Kulan Dhexmaray Xukuumadda iyo Culimada dalka qaarkood iyo Arrimo Xaasaasi ah oo Khilaaf ka taagan yahay (SAWIRRO)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cade, ayaa maanta kulan la yeeshay Xubno ka mida Culimada Ehlu Sunna Waljameeca ee magaalada Hargeysa.

Kulanka oo daba-socday ballan wasiirka iyo Culimada u dhaxaysay, ayaa ujeeddadiisu la xidhiidhay Adkaynta Amaanka iyo midaynta culimada iyo mahdabaha Dalka, ku-dhaqanka diinta islaamka iyo sidii looga saari lahaa meeesha Fekerrada Qaldan ee Diinta Islaamka ka hor-imanaya.

6In kasta oo saxaafaddu dibad-joog ka ahayd arrimaha lagaga hadlay kulanka marka laga yimaaddo ujeeddada guud ee kulanka lagu magacaabay, mar jirto wax natiijo ah oo ka soo baxday, balse waxa loo ballamay maalinta Berri ah in kulan dambe laysugu yimaaddo.

Culimada Kulanka qaatay Wasiirka Arrimaha Gudaha, waxa hoggaaminayey Sayid Maxamed Sayid Cabdilaahi X.Cilmi, Sh C/raxmaan Yaasiin iyo Sh Axmed Caabi Cabdi.

4Sida ay ilo lagu kalsoon yahay u Xaqiijiyeen shabakadda Somalilandpost.net, Kulanka maanta oo daba-socda kulan dhicisoobay oo todobaadkii hore dhexmaray Culimada Ehlu Sunna wal Jamaaca iyo Wasiirka Diinta iyo Aw-Qaafta, ayaa salka ku haya saluug ay culimada Ehlu Sunna Waljamaca ka muujiyeen wada-shaqayn la’aan ay ka tirsanayaan xukuumadda madaxweyne Siilaanyo oo ay ku tilmaameen inay kala faquuqayso culimada dalka isla markaana ay wixii talo ah ee dhinaca Diinta, wada-shaqaynta iyo wacyi-gelinta bulshada ay kala xidhiidho culimo tiro yar oo xukuumaddu si gaar ah u xulatay.

2Sidoo kale, waxa ay ilo-wareedyadani u sheegeen Somalilandpost in ujeeddada kulanka culimada Ehlu Sunna Waljamaca iyo xukuumadda ay salka ku hayso khilaaf ka taagan dhismaha Golaha Culimada Dalka oo madaxweyne Siilaanyo hore qalinka ugu duugay, waxaanay culimadani ka digeen in la siyaasadeeyo oo cid gaar ah oo xukuumadda wada-shaqayn la leh loo xusho Guddiga Sare ee Golaha Culimada dalka.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories