HomeUjeeddada Kulan dhexmaray Urur ay ku midoobeen Dadka Indhaha Naafada ka ah...

Ujeeddada Kulan dhexmaray Urur ay ku midoobeen Dadka Indhaha Naafada ka ah iyo Masuuliyiin ka tirsan Xisbiga Waddani

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa maanta kulan aad u qiimo badan oo is xogwaraysi ah magaalada Hargeysa kula qaatay dad naafo ka ah dhinaca Araga oo ka kala yimi dhammaan goballada Somaliland.

108a7299Waxaana kulankan ka soo qeyb-galay Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Md.Xirsi Cali X.Xasan, xoghayaha guud ee Xisbigaasi Md.Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, guddoomiyaha gobalka ee Xisbiga WADDANI Siciid Bustaale, Xoghayaha gobalkaasi iyo weli ba sida oo kale Xuseen Asad oo isna ka tirsan guddida fulinta Xisbiga WADDANI.

Cabdiraxmaan Sheekh Xuseen  oo Xisbiga WADDANI u qaabilsan Waaxda Naafada, oo ugu horreyn halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in uu si aad ugu faraxsan yahay kulankaasi, waxaana uu yidhi:“Aniga oo Xisbiga u qaabilsan Waaxda Naafada, sida oo kale na sidii na aan araga waxba ka arag in aan aniga iyo Xisbigaygii oo ay i garab joogaan mas’uuliyiintii ugu sar-saraysay Xisbiga oo uu hoggaaminaayo hoggaamiyaha Xisbiga Xirsi Cali X.Xasan, Xoghayahii guud ee WADDANI iyo kuwii gobalka ba, waan uga mahadcelinayaa madaxdayda sida dhakhsaha badan ee ay uga soo jawaabeen codsi uga yimi ururka Indhoole yaasha ee SOBA oo fadhigiisu yahay Hargeysa. Naafadu guud ahaan iyada oo u kala baxda mid jidh ahaana iyo mid maskax ahaana ba waxa Xisbiga WADDANI isaga oo dareensan uu baahiyaha ku xeeran uu iyo qoyskasta culayska ka haysta dadka ka naafoobay ee aanay jirin cid ka caawisa in Xisbigu uu sameeyey garab u gaara Naafada, kulankana ma noqon doona kii ugu dambeeyey isha Allahu sidaas baynu mar walba u wada xidhiidhi, wixii karitaan ah ee la idin tari karana waxba idin kala hagran mayno.”.

Qaar ka mid ah indhooleyaashii iyagu na halkaas ka hadlay, ayaa waxa ay yidhaahdeen  “Waanu ku faraxsanahay in kulankan ay nala qaateen Madaxda WADDANI oo si deg dag ah nooga ga soo jawaabay codsigii aanu u gudbinay, waxa farxad noo ah in dhammaantayo aanu maanta yididiilo ka muujinayno sida Xisbiga WADDANI uu noo dareen galiyey ee uu naruurada nooggu abuuray sida oo kale na aanu ugu soo hiranayno, garabkaas uu Xisbigu u sameeyey naafada oo aanu ka maqalnay Warbaahinta, awgeed baanu Xisbiga ku nimi.”.Ayey yidhaahdeen Indhooleyaashii halkaas ka hadlay.

Ugu dambeyn, Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali X.Xasan oo isna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in uu si aada ugu faraxsan yahay kulankan ay ka xisbi ahaan la yeesheen ururka indhooleyaasha ee SOBA, waxaana uu carabka ku dhuftay in dhammaan ba ay wixii awoodooda ah kala qeyb-qaadanayaan baahiyaha kala duwan ee ay u soo gudbiyeen dadka Indhooleyaasha ahi,

“Waxa runtii mahadcelin ballaadhan aan siinayaa dedaalka badan ee ay sameeyeen ururkan indhoole yaasha ah ama naafada indhaha ka ah ee SOBA, runtii dedaal badan ku sameeyey in ay iyagu na is urursadaan sida oo kale na ay nafahooda wax taraan, wixii kale ee ay diiwaan-gelin karaan ee dadka kale ee indhaha naafada ka ahna ay ku dedaalaan aad bay ugu mahadsan yihiin, waad mudan tihiin runtii in wax la idin taro iyo in la iskiin garab taago, xafiiska hawshiisa na waanu idin kala qeyb-qaadanaynaa oo waanu isku tagaynaa guddoomiyaha Xisbiga iyo Murashaxii ba, waana aanu idin ka bixinaynaa wixii kiro ah oo waad ku tallo-galaysaan, wixii kale ee kolba awoodayadu tahay na waa la idin la garab galayaa, tii hore ee la idiin qabtay na xaq baad u lahaydeen oo Illaahay baa Subxaanahu Wa-tacaalaa ye mahad ku leh in uu na karsiiyey madaxweynahii aanu la shaqeynaynay so kadii.”.Ayuu yidhi Xirsi Cali X.Xasan

Hoggaamiye Xirsi oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxa uu yidhi: “Qofka bani Aadamka ahi mar haddaanu qalbiga waxba ka qabin mushkilad maaha naafada kale oo waa mid aad ka soo kaban kartaan, siddaa Cabdiraxmaan wax u bartayna waxa uu idii noqon karaa tilmaansi aad, sidaa uu wax u bartay u barataan, shaqooyinka uu u galo, waxyaalaha kala duwan uu u bartay, ururada kala duwan uu u sameynaayo ee uu dunida u kala gooshaayo, ayaad idin ku na gaadhi kartaan, waayo dawladaha Ingiriiska oo kale waxa jiri jiray nin wasiir ah oo indho la’ oo gaadhay halkii ugu sarreysay, waxa kale ood og tihiin caalimkii sheekh Ibnu Baas oo ahaa muftigii ugu sarreeyey dawladdii Sucuudiga ama caalamul Islaam ka ahaa dadka loo daba fadhiisto  diinta ahaa. dad badan oo araga naafo ka ahaa ayaa meelo sare ka gaadhay cilmiga, idin kuna waad gaadhi kartaan meel kasta oo qof bani Aadam ahi gaadha ba.”.Ayuu yidhi Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories