HomeUjeeddada Kulan Dhexmaray Madaxweyne Muuse Biixi iyo Hoggaanka Ururka Sarrifleyaasha Somaliland

Ujeeddada Kulan Dhexmaray Madaxweyne Muuse Biixi iyo Hoggaanka Ururka Sarrifleyaasha Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan la qaatay hoggaanka sare ee ururka sarriflayaasha Somaliland ku bahoobeen ee WADA-JIR.

Kulanka uu madaxweynuhu la qaatay hoggaanka sare ee ururka sarrifleyaasha Somaliland, ayaa waxa goob-joog ka ahaa wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire, madaxda sare ee Baanka dhexe iyo qaar kamid ah hoggaanka xisbiga KULMIYE, waxana ay madaxweynaha iyo xubnaha ururka sarriflayaashu halkaas iskaga xog-waraysteen xaaladda guud ee sarrifka iyo kor u kaca ku yimi shilinka Somaliland.

blankGuddoomiyihii hore ee ururka sarriflayaasha Somaliland ee WADA-JIR, Mudane Axmed Xasan Mataan (Awliyo) iyo guddoomiyaha cusub, Mudane Barkhad Axmed Coofiye oo ugu horrayn kulanka ka hadlay, ayaa madaxweynaha ku ammaanay sida hagar la’aanta ah ee uu wax uga qabtay sarrifka iyo kor u qaadidda shilinka Somaliland, iyaga oo caddeeyey inuu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi noqday madaxweynihii ugu horreeyey qiimaha shilinka kor u qaada.

Guddoomiyaha Baanka dhexe, Mudane Cali Ibraahim Baqdaadi oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa caddeeyey guusha laga gaadhay hoos udhaca doolarka iyo kor u kaca shilinka Somaliland ay tahay siyaasad guud oo ay dawladdu dejisay, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya yidhi, “Dawladda oo joojisay kharashaadkii saayidka ahaa ee aan ku jirin miisaaniyadda joojisay oo ugu horreeyo wasiirka maaliyadda oo xakameeyey lacagtii iska bixi jirtey, oo imika wax aan miisaaniyadda ku jirin ma saxeexo, annaguna Baanka haddaanu nahay waxayagu waa farsamo, laakiin siyaasadda dawladda ayaa keentay in dhaqaaluhu dego, sicir-bararkuna hoos u dhaco.”

Wasiirka wasaaradda horumarinta Maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire, ayaa isaguna dhinaciisa ku dheeraaday dedaalladii ay xukuumaddu u martay kor u qaadista shilinka Somaliland iyo soo noolayntiisa, waxana uu sarriflayaasha ku adkeeyey inay ku dedaalaan sidii uu shilinka dalku qiime u yeelan lahaa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ugu horrayn xubnaha sarriflayaasha ah kula dardaarmay in waayo aragnimada iyo khibradda dheer ee ay hayaan uga faa’iideeyaan bulshadooda, kana dhigaan dhaxal ay manaafacaadsadaan jiilalka dambe ee dhalan doonaa.

Madaxweynuhu waxa uu ammaanta sare u kaca shilinka Somaliland dusha u saaray madaxda maaliyadda iyo Baanka dhexe, isaga oo sarriflayaasha laftooda ku tilmaamay inay guushaas qayb ku leeyihiin, “Arrinta sarrifka iyo hawsha aad qaranka u haysaan aad baan idiinkaga mahadnaqayaa, wasaaradda maaliyadda, xisaabiyaha guud iyo qoladaa Baanka ayaa iska leh ammaan iyo wixii ay dalka tareen, iyagaana hawshaas kasoo baxay, anigu waan u yeedhay dalku hawshaas ayuu u baahan yahaye qabta ayaan ku idhi, weyna ku ammaanan yihiin, idinkii la shaqeeyeyna waad ku mahadsan tihiin,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Ugu dambayntii ururka madaxda sarriflayaasha Somaliland ee WADA-JIR, waxa ay shahaado-sharaf ay kaga mahadcelinayaan kaalintii ay ka qaateen kor u qaadista shilinka Somaliland ku maamuuseen madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, wasiirka wasaaradda horumarinta iyo guddoomiyaha Baanka dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories