HomeUjeeddada Kulan dhexmaray Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Guddida anshaxa iyo xallinta khilaafaadka...

Ujeeddada Kulan dhexmaray Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Guddida anshaxa iyo xallinta khilaafaadka doorashooyinka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddida cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland, garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay xubnaha guddida anshaxa iyo xalinta khilaafaadka doorashooyinka, ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL, oo uu hoggaaminayay guddoomiyaha guddida Maxamed Axmed Bulxan.

blankKulankan oo ahaa kii koowaad ee ay yeeshaan 6-da xubnood ee guddida iyo guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa ugu horayn ku bilaabmay xog-waran iyo sidii loo xoojin lahaa hawlaha shaqo ee u baahan in laga wada shaqeeyo, maadaama oo uu dalku galayo marxalad doorasho oo u baahan in wadajirka iyo xasiloonida bulshada la sii xoojiyo. Lagana hortago arrimaha keeni kara khilaafaadka la xidhiidha doorashooyinka.

Guddida ayaa guddoomiyaha uga mahad-celiyay kulanka ay la yeesheen, waxaanay niyad wanaag ka muujiyeen in Maxkamadda Sare ee dalku diyaar ula tahay hawlaha shaqo ee u baahan in laga taageero guddida. Geestiisa guddoomiyaha ayaa guddida ku bogaadiyay shaqada wanaagsan ee ay bulshada u hayaan, waxaanu ku dhiiri-galiyay in ay dhex-dhexaad ka ahaadaan arrimaha doorashada si kalsoonida shacabku u xooganaato, waxaanu ku hambalyeeyay dedaalada ilaa imika ay waddaan.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories