HomeUjeeddada Kulan dhexmaray Guddoomiyaha KULMIYE iyo Jaaliyadda Gobolka Hawd ee UK

Ujeeddada Kulan dhexmaray Guddoomiyaha KULMIYE iyo Jaaliyadda Gobolka Hawd ee UK

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

London (SLpost)-Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna murashaxa madaxweynaha ee xisbigaas, Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan ballaadhan kula yeeshay magaalada London Haldoorka Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan dalka Ingiriiska, gaar ahaanna ka soo jeeda gobolka Hawd, sida lagu sheegay war-murtiyeed ka soo baxay xafiiska Warbaahinta Xisbiga Kulmiye.

kulmiye-uk4Warka Qoraalka ah ee ka soo baxay Xisbiga Kulmiye oo la soo gaadhsiiyey xafiiska war-qabadka ee Somalilandpost, ayaa lagu sheegay sidan:- “Haldoorka Jaaliyadda reer Somaliland ee dalka Ingiriiska ee u dhashay Gobolka Hawd, ayaa kulan soo dhawayn iyo wadahadal ah la yeeshay.

kulmiye-ukGuddoomiyaha xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi.

Kulanka oo ka dhacay magaalada London oo ay goob-joog ku ahaayeen qurba-joogga ka soo jeeda Gobolka Hawd ee Somaliland, waxay ku qaabileen Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi oo ay wehelinayeen Wasiirka Qorshaynta Qaranka Md. Cali Salaan Jirde (Cali Shoombe) iyo Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee UK Mr. Xariir Xirsi.

kulmiye-uk3Is-xogwaraysi iyo wadahadal dhexmaray Guddoomiyaha iyo qurba-joogta, waxa isla qaatay wadashaqayn iyo in jaaliyadda Ingiriiska ee Gobolka Hawd ay si buuxda u taageersan tahay xisbiga KULMIYE, isla markaana ay dhisayso murrashaxiisa Madaxweyne Md. Muuse Biixi Cabdi.

kulmiye-uk2Ugu dambayntii, kulankaasi waxa uu ku dhammaaday is-afgarad iyo farxad ay ku kala tageen labada dhinac ee Guddoomiyaha KULMIYE iyo masuuliyiinta wehelinayey iyo qurba-joogta la kulmay.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-qoraalka ka soo baxay xisbiga Kulmiye.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories