HomeUjeeddada Kulan Dhexmaray Guddi Qaramada Midoobay ka socota iyo Ergada Somaliland ee...

Ujeeddada Kulan Dhexmaray Guddi Qaramada Midoobay ka socota iyo Ergada Somaliland ee Turkiga ku sugan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Istanbul (SLpost)- Guddiga Farsamo ee Dawladda Somaliland u xil-saartay Maamulka Hawada, ayaa kulan gaar ah magaalada la qaatay wefti ka socday Hay’adda Duulimaadyada Caalamiga ah u qaabilsan Qaramada Midoobay ee loo yaqaanno ICAO, kuwaas oo socdaal ku tagay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga si goob-joog uga noqday wada-hadallada dhicisoobay ee Somaliland iyo Somaliya.

Guddiga Farsamo ee Somaliland u qaabilsan Maamulka Hawada Sare oo qayb ka ah Ergaga Wada-hadallada Soomaaliya ee burburay u jooga dalka Turkiga, isla markaana ay xubno ka yihiin Wasiirrada Duulista Hawada iyo Hawlaha Guud iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista, ayaa shalay kulan gaar ah la qaatay Guddiga ka socotay hay’adda ICAO oo gacanta ku haysa Maamulka Hawada Sare ee Dalweynihii laysku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraal uu soo saaray Wasiirka Duulista iyo Hawada Somaliland.

kulanka“Maanta (shalay) oo ay bishu tahay 02/03/2015 waxa Hotelka weyn ee Conrad ee magalada Istanbul shir gaar ah ku qaatay Waftigii ka socday Hayada ICAO uu hohgaaminayay Ivana Galan oo ah agaasimaha Waaxda Farsamada ee ICAO ( TCB) iyo Xubnihii gudida farsamada arrinta hawada ee dhinaca Somaliland oo ka kooban Wasiirka Duulista Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Wasiirka Hawlaha Guud Cabdirasaaq Khaliif Axmed iyo Agaasimaha Waaxda DuulistaSiciid Mahdi Ileeye. Kulankaasi oo ay labada dhinac isku xog waraysteen kuna qaada dhigeen carqaladaha iyo dhibaatooyinka ku xeeran xil wareejinta mashruuca maamulka Hawada Somaliya iyo Somaliland ee ay hadda gacanta ku hayaan Qaramada Midoobay fadhiga looga arimiyana yahay magaalad Nairobi.”

Waxa kale oo Qoraalka lagu yidhi, “Mashruucan maamulkiisu waa mid ay Somaliland iyo Somaliyaba marti uga yihiin Qaramada Midoobay cid gaar loogu wareejiyayna ilaa hada aanu jirin, isla markaana muddo saddex sanadood ee soo socda ay gacanta ku hayn doonaan iyagu sida ay shirkaa ka cadeeyeen. taasoo u jeedadu tahay in mudadaa la dhiso aqoonta iyo tayada shaqalaha iyo qalabka somaliya iyo somaliland in xeerar loo sameeyo lagu maamulo hayadaha ay khusayso , in la xaliyo khilaafadka ku xeeran ee u dhaxeeya labada dawladood ee somaliland iyo somaliya. Gudidda farsmo ee arrinta hawada Somaliland waxay u cadeeyeen si aan laleemo iyo labac-labac toona lahayn in aanay dal ahaan marnaba aqbalayn in maamulka hawada Somaliland lagu wareejo Somaliya oo ay iyagu kaligood maamulaanda. Sidoo kale waxay u gudbiyeen mpwqifkooda ma guuranka ah ee ay u arkaan xalka kama danabaysta waxaan ka mid ah:-

  1. In la meel mariyo wixii lagu heshiiyay Shirkii Istanbul 1, kaasoo nuxurkiisu yahay in maamulka hawada Somaliya iyo Somaliland loo sameeyo guddi madax baanaan oo maamusha fadhigooduna uu yahay Magalada Hargeysa, si kale markan u dhigno FIR-ka waxa lagu rakibayaa magalad Hargeysa lagana maamulaya
  2. In Somaliland iyo Somaliya dal walba gaar loogu wareejiyo maamulka hawadooda .

Guddida wada-hadalada Somaliland ee uu Gudoomiyaha u yahay Wasiirka Ariimaha Dibada somaliland Maxamed Bixi yoonis waxa uu aaminsanyahay kuna qanacsan yahay in haddii qodobadan kor ku xusan la meel marin waayo in Qarmada Midoobay oo gacanta ku sii haysa mashruucan ay xalalka ka mid tahay.” Sidaas ayaa lagu sheegay Qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories