HomeUjeeddada Kulan Dhexmaray Agaasimaha Guud iyo Maamuleyaasha Laamaha Baanka Dhexe ee Somaliland

Ujeeddada Kulan Dhexmaray Agaasimaha Guud iyo Maamuleyaasha Laamaha Baanka Dhexe ee Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe ee Somaliland,  ayaa maanta kulan Is-barasho iyo dar-dargelinta hawlaha shaqo ee Bangigu u hayo Qaranka layeeshay maamuleyaasha Laamaha Baanka Dhexe ku leeyahay Gobollada Dalka.

Kulankan oo ku qabsoomay Xarunta Baanka Dhexe ee Hargeysa, waxa goob-joog ka ahaa Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland Cali Cabdilaahi Daahir, Guddoomiye ku-xigeenka Baanka Dhexe Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Ismaaciil, Agaasimaha Guud ee Baaaanka Dhexe Maxamed Qaasim, Agaasime-waaxeedyada, Maamuleyaasha Gobollada dalka iyo Shaqaale-weynaha Baanka Dhexe.

blankXubin ka tirasan maamuleyaasha Laamaha Baanka Dhexe ee gobollada Dalka, ayaa ballan-qaaday inay soo dhaweynayaan Agaasimaha Guud isla markaana si hufan oo la mid ah ama ka sii wanaagsan ula shaqeynayaan Agaasimaha Guud, waxaanu yidhi, “Aad iyo aad baan ugu faraxsannahay inaanu Isbaranno oo maanta la kulanno Agaasimaha Guud oo aanu soo dhaweynayno una ballan-qaadayno wada-shaqayn iyo kalsooni. Baanka Dhexe waa hay’ad dhaqan gaar ah leh oo ka duwan hay’adaha kale, sababta ugu weynina waxa weeyi, waxaynu haynaa lacag, waxaynu haynaa sir. Taasaa sababtay in mar walba Baanku yahay hay’ad hab-dhaqan gaar ah leh, arrintaasina waa ta mar walba saamaxaysa in maamul kasta oo isbeddela uu hab-dhaqankii hore sidiisii ku sii socdo”.

blankAgaasimaha Guud ee Baanka Dhexe Maxamed Qaasim ayaa u mahad-celiyey maamuleyaasha laamaha Baanka Dhexe Oo ka yimi Gobollada Dalka, kuwaas oo uu ka codsaday soo-dhaweyn iyo wada-shaqayn hufan, waxaanu yidhi, “Kulankeenu wuxu daaran yahay isbarasho iyo is-xogwaraysi, maadaama meeshii aan ku cusubahay xog badan ma hayo inkasta oo aan kormeer ku soo maray laamaha Galbeedka sida Boorama, Wajaale iyo Gabiley oo wixii indhahaygu qaban karayeen waan soo arkay, laakiin waxaan u baahanhay xog badan.”

blank
Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe ee Somaliland

“Qofku wuxuu wax qabtaa oo uu wax maamulahaa marka uu xog helo. Waxa kale oo aan idiinka baahanay soo dhaweyn, waayo soo dhaweyntu maaha uun ‘Soo dhawow’, waxaan idiinka baahanahay inaad shaqada I bartaan,” ayuu yidhi Agaasimaha guud ee Baanka Dhexe oo muddo 20-sanno ka badan ku soo dhex-jiray Bahda Waxbarashada dalka, isagoo ahaa macalin wax ka dhiga Mac-hadyada gaarka loo leeyahay ee magaalada Hargeysa.

Agaasimaha Guud wuxuu kulanka ka ballan-qaaday xoojinta wada-shaqaynta iyo isku-xidhnaanta Shaqaale-weynaha Baanke Dhexe, waxaanu yidhi, “Waxa ugu muhiimsan ee shaqo ku hagaagi kartaa waa dadka oo wada-shaqeeya (Team Work). Wixii horumar ahi waa arrin gaar ah, waxaan Xoogga Saari doonaa inaynu Wada-shaqayn wanaagsan yeelano, waayo wada-shaqayntu qalbiga ayay ka timaadaa, dadku haddii ay u wada-shaqeeyaan si walaanimo ku dheehan tahay, shaqadu way hagaagtaa”.

blankAgaasimaha Guud oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Qofku hadduu iimaan leeyahay, wixii lagu aamino waa loogu imanayaa, waayo waxaynu ka shaqaynaa waa Lacag, lacagtuna waxay u baahan tahay Aaminaad badan iyo Ilaalin badan, waayo way eed badan tahay. Qofka Bani’aadamka ah inuu sharaftiisa ilaashado isagay u wanaagsan tahay. Waxaynu si fiican u wada shaqayn karaynaa markaynu waajibaadkeenna si hufan u gudanno. Anigu waxaanu ehel nahay qofka Shaqada ku wanaagsan”.

Guddoomiye ku-xigeenka Baanka Dhexe ee Somaliland Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Ismaaciil, ayaa ka hadlay ujeeddada kulanka, waxaanu yidhi, “Waxaynu maanta isugu nimi si ay maamuleyaasha Laamaha Baanku iyo Kor-joogaha Barigu u soo dhaweeyaan isuna bartaan Agaasimaha Guud ee Cusub, waayo shaqadii joogta ahayd ee uu Masuulka ka ahaa Idinkaa haya, inaad kulan wada-qaadataanna waa arrin muhiim ah”.

blank
Guddoomiye kuxigeenka Baanka Dhexe ee Somaliland

Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland Dr Cali Cabdilaahi Daahir oo kulanka ka jeediyey hadallo isugu jira baraarujin iyo dhiirrigelin la xidhiidha shaqada uu Baanku u hayo Qaranka, waxaanu madaxda laamaha Baanka Dhexe ku boorriyey inay ilaaliyaan sumcadda Baanka Dhexe.

blank
Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland

“Shaqada aynu qaranka u haynaa waa mid aad iyo aad u xasaasiya waayo waa Dhaqaalihii dalka. Maamuluhu waa badhasaabkii oo kale oo isagaa metelaya Baankii Dhexe, markaa hab-dhaqanka uu la yimaaddo ayuunbuu Baanka Dhexe-na leeyahay,” sidaas ayuu yidhi Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland.

Kulanka Dhexmaray Agaasimaha iyo maamuleyaasha Laamaha Baanka Dhexe waxa wehelinayey munaasibad abaal-mariinno lagu guddoonsiiyey xubno ka mid ah Shaqaale-weynaha Baanka Dhexe oo hawl-karnimo iyo Shaqo-wanaag muujiyey sannadkii hore ee 2022-kii.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.nrt

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories