HomeUjeeddada Kulan Boorama ku dhexmaray Daneeyeyaasha Doorashada Deegaanka ee Gobolka Awdal

Ujeeddada Kulan Boorama ku dhexmaray Daneeyeyaasha Doorashada Deegaanka ee Gobolka Awdal

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Borama (SLpost)- Gudoomiyaha Gobolka Awdal oo ay Weheliyaan Maayarka Magaalada Boorama iyo Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Awdal ayaa Maanta kulan kula yeeshay Xarunta Maamulka Gobolka Labada Xisbi Qaran iyo Shanta Urur Siyaasadeed iyo Komiishanka Doorashooyinka ee Heer Gobol iyo mid Degmo.

Ujeeddada Kulankan ayaa salka ku haysay u diyaar garowga bilowga Ololaha Doorashada Golayaasha Deegaanka oo lagu wado in beri oo Isniin ah uu dalka Guud ahaan ka bilaabo Urur Siyaasadeedka Ummada isla markaana ay si xidhiidh ah u socon doonto mudo afar todobaad ah.

blankMaayarka Magaalada Boorama C.raxmaan Shide Bile oo hadal ka jeediyay kulankaas ayaa tilmaamay sida loogu baahan yahay in talo midaysan laga yeesho in ololaha loo maro qaab waafaqsan nidaamka anshaxa doorashada isla markaana ay reeban tahay in Xisbi ama Urur uu ku ololeeyo wax aflagaado ah waxa uu maayarku intaas ku daray in sidoo kale ay mamnuuc tahay in laga Ololeeyo Goobaha Cibaadada sida Masaajidada iyo Goobaha Waxbarashada .

Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Awdal Axmed Xaaji C.raxmaan oo madashaasi ka hadlay ayaa sheegay in dhamaan Madax iyo dadweyneba uu xil ka saaran yahay ilaalinta wax kasta oo nabadgalyada wadanka iyo ta gobolka awdalba saamayn ku leh isagoo taliyuhu u soo jeediyay Hogaanka Xisbiyada iyo Ururada Siyaasadu inay Wada Shaqayn dhab ah la yeeshaan Ciidanka Booliska oo mar walba diyaar u ah Sugida Nabadgalyada .

Gudoomiyaha Gobolka Awdal Axmed Xadi Sidci oo kulankaasi ka hadlay ayaa ku Wargaliyay Xisbiyada iyo Ururada ololaha doorashada ka qayb qaadanaya inuu mid kastaaba soo gebo gebeeyo ololihiisa saacadu markay tahay afarta galabnimo,iyadoo inta laga gaadhayo lixda Makhribnimana uu Ururka ama Xisbiga maalinta ku xigta lihi uu dadweynaha ku sii Wargalinayo isu soo baxa ay ku soo bandhigayaan barnaamijkooda .

Waxaa kale oo Madashaasi ka hadlay Xubno ka tirsan Komiishanka Doorashooyinka ee  Heer Gobol iyo Madaxda Xisbiyada iyo Ururada Siyaasada ee  Gobolka Awdal.

Somalilandpost.net/Borama

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories