HomeUjeeddada Kulan Ballaadhan oo Hargeysa ku dhexmaray Dowladaha Somaliland iyo Ethiopia

Ujeeddada Kulan Ballaadhan oo Hargeysa ku dhexmaray Dowladaha Somaliland iyo Ethiopia

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Somaliland ee magaalada Hargeysa, waxa maanta ku qabsoomay kulan ballaadhan ku yeeshay Wefti ka socda Dowladda Itoobiya iyo Masuuliyiinta ugu sarreysa hay’adaha ammaanka ee Somaliland.

blankKulanka oo aanay warbaahintu goob-joog ka ahayn isla markaana ay isku-kaliyeysteen masuuliyiinta labada waddan, ayaa ujeeddiisa lagu sheegay in lagaga wada-hadlay sii xoojinta ammaanka labada waddan.

War-qoraal kooban oo lagu shaaciyey kulanka iyo ujeeddiisa, ayaa kulanka kaddib lagu baahiyey Ciwaannada Baraha Bulshada ee Wasaaradda Arrimaha JSL, waxaana qoraalka lagu sheegay In ujeeddada kulanku ahaa mid lagu xoojinayo ‘amniga Bariga Afrika’, gaar ahaan dalalka ammaanka xuduudka ay wadaagaan Somaliland iyo Ethiopia.

blankKulanka oo sida la sheegay muddo saacado ah qaatay, ayaa labada dhinac ku gorfeeyeen isla markaana iskula qaateen sidii wada-jir uga wada-shaqayn lahaayeen xoojinta Amniga maadaama labada dowladood wadaagaan xuduud dheer oo ay shacabka reer Guuraaga ah ee labada waddanba Isaga gudbaan xuduudka, gaar ahaan dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia.

blankKulanka waxa dhinaca Jamhuuriyadda Somaliland uga qayb-galay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Wasiirka Gaashaan-dhigga JSL, Taliyaha Ciidanka Qaranka JSL, Taliyaha Ciidanka Asluubta JSL,Taliyaha Laanta Socdaalka JSL, Taliye ku-xigenka Ciidanka Booliska JSL iyo Safiir ku-xigeenka Safaaradda Somaliland ku leedahay dalka Ethiopia.

Dhinaca dalka Ethiopia, waxa kulanka uga qayb-galay Hoggaanka Nabadgalyada DDS Dr Xuseen Xaashi Cilmi, Taliyaha Guud ee Ciidanka gaarka ah ee Liyuu Booliska, Genaraal Maxamed Axmed Muxumed, Wasiirka Xafiiska Waraabka iyo Dooxooyinka DDS Cabdiraxman Iid Daahir, Taliye ku-xigenka Ciidanka Difaaca ee Bariga Ethiopia iyo Xubno kale.

Somaliland iyo Ethiopia oo wadaaga xuduud ballaadhan, ayaa si wada-jir ah uga shaqeeya amniga labada dhinac, iyadoo masuuliyiinta labada dowladood sannadkiiba dhowr jeer kulamo kala duwan ka yeeshaan qorsheyaal lagu xoojinayo amniga labada dhinac.

blankKulamada oo inta badan heerarka masuulyiinta ka qayb-gala kala duwan yihiin, haddana kulankan, ayaa noqonaya kii ugu miisaanka cuslaa muddo sannado ah oo labada dhinac kaga arrinsadaan xaaladaha amniga ee mandaqadda, gaar ahaan xuduudka u dhexeeya Somaliland iyo Ethiopia, maadaama ay weftiga dhinaca Ethiopia la socdaan Saraakiishii ugu sarreysay dhinaca amniga u qaabilsan Bariga dalkaas oo dhaca xuduudka Somaliland.

Ciidamada sida Milatariga u tabobaran ee Liyuu Boolis oo ka hawl-gala Dowlad-deegaanka Soomaalida Ethiopia, ayaa inta badan si ogeysiis la’aan ah ugu soo tallaaba dhinaca xuduudka gudaha Somaliland oo ay hawl-gallo kala duwan ka fuliyaan, iyadoo ay cabasho ka muujiyaan bulshada reer Guuraaga ah ee ku teedsan xuduudka dalka, waxaana la filayaa in arrintani xagga hore kaga jirto qodobbo ay Somaliland kala hadashay masuuliyiinta dowlad-deegaanka iyo saraakiisha ugu sarreeya dhinaca Amniga Bariga dalka Ethiopia.

blank
Wasiirka Arrimaaha Gudaha Somaliland
blank
Wasiirka Gaashaan-dhigga Somaliland
blank
Taliyaha Ciidanka Qaranka JSL

blankblankblank

 

Masuuliyiinta Dowladda Ethiopia

blankblankblankblankblank

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories