HomeUjeeddada Kulamo Dhexmaray Guddi Wasiirro ah iyo Madaxda Laamaha Dawladda ee Gobolka...

Ujeeddada Kulamo Dhexmaray Guddi Wasiirro ah iyo Madaxda Laamaha Dawladda ee Gobolka Saaxil

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Berbera (SLpost)- Guddiga Siyaasadda Miisaaniyadda Qaranka oo ka kooban Wasiirro xukuumadda ka tirsan oo uu weheliyo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Md Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa maanta kormeer ay ugu kuur-galayaan heerka dakhli-ururinta iyo wax-soo-saarka ku maray ilaha dhaqaale ee gobolka Saaxil, gaar ahaan magaalada Berbera.

Ujeeddada Kulamo Dhexmaray Guddi Wasiirro ah iyo Madaxda Laamaha Dawladda ee Gobolka SaaxilGuddiga Miisaaniyadda heer Qaran iyo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale, waxa ay korkeer ku mareen Maxjarrada xoolaha lagu xannaaneeyo, Haamaha Keydka Shidaalka iyo Dekedda magaalada Berbera, waxaanay kulamo la yeesheen masuuliyiinta goobahaa ay kormeerka ku mareen oo warbixinno ku saabsan shaqaada ay qaranka u hayaan ay ka dhegaysteen.

Guddigu sidoo kale waxa ay kulamo la qaateen ganacsatada gobolka Saaxil, gaar ahaan Berbera oo ay ka wada-hadleen sidii kor-u-qaadis loogu samayn lahaa Dekedda magaalada Berbera.

Hoggaamiyaha Weftiga Wasiirrada ah, Md Cabdicasiis Maxamed Samaale oo markii ay guddigu korkeerkooda dhammeystreen warbaahinta la hadlay, ayaa uu tafaasiil ka bixiyey natiijada kulamo dhexmaray madaxda waaxaha dawladda ee ay kormeerka ku mareen iyo waxyaabaha ay ka wada-hadleen xubno ganacsato ah oo guddigu kulan la yeelatay.

Md Samaale oo arrimahan ka hadlaya, waxa uu yidhi, “Waxaanu u nimi inaanu eegno dekedda, waxaanu u nimi inaanu eegno Kastamka, waxaanu u nimi inaanu eegno qaybaha kala duwan ee hawlaha ka socda gobolka, hadday tahay Maxjarrada, hadday tahay haamaha iyo meelaha kale ee shaqooyinka kala duwan u haya qaranka.

Si gaar ah guddigu waxay dareen iyo taloba u waydiinaysa baayac-mushtartka gobolka Saaxil gaar ahaan magaalada Berbera oo runtii talooyinka ay wadiinaysay ay ugu muhiimsan yihiin sidii dekeddeena loo weynayn lahaa baaxaddeeda.

Waxa kale oo halkaas ka hadlay masuuliiin ka tirsan laamaha ilaha dhaqaale ee dalka oo ka warbixiyey baahiyaadka dhinaca adeegyada ay bulshada u hayaan iyo wax-qabadyada ay ku tallaabsadeen.

Kormeerka Guddiga Siyaasadda Miisaaniyadda Qaranka, ayaa noqonaya kii labaad ee ay ku maraan gobollada dalka, iyaga oo dorraad kormeer ay ugu kuur-galayaan nidaamka dakhli-ururinta ilaha dhaqaale ee dalka ku tagay gobolka Gabiley oo ah gobolka labaad ee dakhliga ugu badan uga soo xeroodo dawladda marka laga reebo magaalada Berbera ee ay maanta booqashada ku tageen oo ah isha dhaqaale ee ugu badan dalka.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories