HomeUjeeddada Dacwad lagu soo oogay Jilaaga Caanka ah ee Shah Rukh Khan...

Ujeeddada Dacwad lagu soo oogay Jilaaga Caanka ah ee Shah Rukh Khan oo Maxkamdda Sare looga yeedhay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Delhi (SLpost)- Maxkamad ku taalla magaalada Kolkota ee gobolka West Bengal ee dalka Hindiya,  ayaa ku amartay jilaaga caanka ah ee ka tirsan shirkadda Bollywood ee Shah Rukh Khan inuu Iska-difaaco Dacwad loo soo gudbiyey oo ku xidhiidhisay wada-shaqayn ka dhaxaysa Mac-hadka Qorsheynta iyo maamulka ee magaalada Delhi (IIPM) oo dacwad lagu soo oogay, sida ay shaaciyeen warbaahinta dalka Hindiya, gaar ahaan Wargeyska Hindustan Times iyo telefishinka NDTV, kuwaas oo arrin si qoto-dheer uga faallooday.

blank

Sida ay qortay BBC oo soo xiganaysa warbixinno lagu baahiyey saxaafadda Hindiya, Garsoore Debangshu Basak oo ka tirsan maxkamadda ayaa dhageysanaya dacwad ay gudbiyeen labo arday oo wax ka baran jiray machadkaas oo horay u xidhay qaar ka mid ah laamaha uu ku lahaa waddanka.

Labada Arday ayaa ku dooday inay xaruntan Waxbarasho ka khasaarisay lacag dhan $28,000 qofkiiba, taasoo ay bixiyeen markii ay iska diiwaan galinayeen machadka IIPM.

Qareenka u doodaya ardaydan, oo lagu magacaabo Debanjan Dutta ayaa Khamiistii maxkamadda sare u sheegay in madaxa caddaaladda ee ku sugan maxkamadda sare ee fadhigeedu yahay magaalada Delhi uu sanadkii 2017-kii ku dhawaaqay in machadka IIPM uu yahay mid been abuur ah oo aan wax tayo ah lahayn.

Garyaqaan Dutta ayaa sidoo kale dalbaday inay machadkaas baadhitaanno ku sameyso waaxda dambi-baadhista dalka Hindiya ee magaceeda loo soo gaabiyo CBI. Qareenku wuxuu intaas ku daray in labada arday ay bishii March ee sanadkii 2018-kii dacwad geeyeen saldhigga booliska ee magaalada Salt Lake, laakiin aan wax baaritaan ah la sameynin.

Bishii November ee isla sanadkii 2018-kii, tallaabo kale oo ay qaadeen ayey maxkamadda sare ee magaalada Kolkota ugu gudbiyeen kiis si wadajir ah musuqmaasuq loogu eedeynayo Shah Rukh Khan, mac-hadka IIPM, ninka maalgalinta u sameeya machadkan oo lagu magacaabo Arindam Choudhuri iyo shirkadahooda kaleba.

Waxay sheegeen inay dhammaantood galeen fal-dambiyeed meel looga dhacay aaminaadda shacabka isla markaana lagu taageeray dambiileyaal.

Jilaaga Shah Rukh Khan ayaa ahaa wakiilka dhinaca ganacsiga ee mac-hadka IIPM, Sidaas awgeed ayay ardaydu taliska hay’adda dambi baadhista ee CBI ka dalbadeen inay baadhitaan ku sameeyaan Shah Rukh Khan. Hase yeeshee, Jilaaga ayaa ku gacan seydhay dhammaan eedeymahaas, wuxuuna ku tilmaamay inay yihiin kuwo been abuur ah.

Qareenka jilaaga ayaa maxkamadda u sheegay in Khan uu qaab ganacsi uun uga soo muuqday xayeysiimo uu leeyahay machadka, laakiin wax sharci darro ah aanu sameynin.

Balse garsoorka ayaa hadda doonaya inuu Shah Rukh Khan sameeyo dhaar uu ku caddeynayo inaanu wax xidhiidh ah la lahayn machadkaas.

@BBCSomali

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories