HomeUjeeddada Bannaanbaxyo laga iclaamiyey Gobolka Badhan oo maanta ka curtay Hadaaftimo iyo...

Ujeeddada Bannaanbaxyo laga iclaamiyey Gobolka Badhan oo maanta ka curtay Hadaaftimo iyo Maamulka degmada oo ka hadlay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hadaaftimo (SLpost)- Dadweyne gadoodsan, ayaa maanta bannaan-bax aan khasaare geysan ka dhigay degmada Hadaaftimo ee gobolka Badhan, waxaana bannaan-baxan oo lagu sheegay kii ugu horreeyey noociisa ee ka dhaca magaaladaas ka qayb-qaatay maamulka iyo urrurada bulshada degmadaas.

hadaaftimoBannaan-baxan oo laga iclaamiyey dhammaan degmooyinka gobolka Badhan, ayaa ujeeddadiisu tahay mid ay shacabka gobolkaasi kaga soo horjeedaan weerar khasaare dhimasho ah geystay oo ciidamo ka tirsan maamul-goboleedka Puntland ka geysteen degmada Laasqoray ee gobolkaas. Ciidamo ka tirsan ilaalada xeebaha maamul-goboleedkaas oo ku soo xad-gudbay biyaha badda ee Somaliland, ayaa weerarkaas ku dilay hal qof oo ka tirsan Kalluumaysata degmada Laasqoray.

Dadweyne u badan Dhalinyaro iyo Haween oo ay weheliyaan ururrada bulshada iyo maamulka degmadaas, ayaa subaxnimadii hore ee ee Jimcihii maanta Isu-soo-bax ay dareenkooda ku muujinayaan ka dhigay magaaladaas, iyagoo ka soo horjeeda falka ciidamada maamul-goboleedka Puntland ka geysteen xeebaha gobolka Badhan.

Maayarka magaalada Hadaaftimo ee gobolka Badhan Cawil Maxamed Jaamac oo weriye ka tirsan Shabakadda Somaliland khadka telefonka ugu warramay isagoo ku sugan magaaladaas, ayaa sheegay inaanu jirin wax khasaare ah oo bannaan-baxa ka dhashay, dadweynuhuna ay dareenkooda ku muujiyeen si nabad-gelyo ah, maamul ahaanna shacabka la wadaageen dareenkooda kuna taageersan yihiin sida ay uga soo horjeedaan xad-gudubyo maamulkaasi ku hayo deegaanno ka tirsan Bariga gobolka Badhan.

“Saaka abbaaro 9-kii ayuu mudaharaadku bilaabmay, wuxuuna ahaa mid ay shacabku iskood isu soo abaabuleen, dareenkooda iyo shuruuctooda ayay ku muujinayeen waxayna ku cambaareynayeen dhacdadii ka dhacday Laasqoray, runtiina si fiican oo nabadgelyo ah ayuu ku soo dhammaaday.

“Annagu door muhiim ah ayaanu ku lahayn, runtiina wuxuu ahaa mid aanu aad u soo dhawaynay waanan la qabnaa, mana aha mid halkan (Hadaaftimo) ku kooban ee magaalooyin badan buu ka dhici doonaa,” Sidaas ayuu yidhi Maayarka magaalada Hadaaftimo.

Maxamed Siciid oo ka tirsan dadweynaha ku dhan magaalada Hadaaftimo oo isagu ka mid ahaa hormood dhalinyarada magaaladaas ee bannaan-baxa soo abaabulay, ayaa maamul-goboleedka Puntland ku eedeeyey xad-gudubyo ay ka geystaan deegaannadooda, shacab ahaanna aanay u adkaysan karin xasuuqa dadka shacabka ah ee ay laynayaan ciidamada Puntland.

Weerarka Ciidamada maamul-gobolkeedka Puntland ka geysteen degmada Laasqoray oo horaantii todobaadan ahayd, waxa ka hadlay isla markaana cambaareeyey Wasiirka Kalluumaysiga iyo Kheyraadka badda Somaliland Cali Jaamac Buureed, waxaanu sheegay in maamulkaas deegaannada Bariga gobolka Badhan ka geystaan xad-gudubyo aan loo adkeysan karin, isagoo ku hanjabay inay xukuumadda Somaliland jawaab ku habboon ka bixin doonto haddii maamul-goboleedka Puntland joojin waayo hab-dhaqankaas.

Bannaan-baxan ayaa noqonaya kii ugu horreeyey noociisa ee magaaladaas ka dhaca isla markaana shacabku kaga soo horjeestaan Hab-dhaqannada maamul-gobolka Puntland oo taageero ka haysta qaybo ka tirsan deegaannada Bari ee gobolka Badhan.

Maalinta Berri  ayaa la filayaa  bannaan-baxyo noocan ah oo ka dhaca magaalooyinka Xiin-galool iyo Badhan, iyadoo abaabulka mudaharaadkaas maanta gelinkii dambe laga dareemayey magaaladaas, sida ay shabakadda Somalilandpost u xaqiijiyeen dadweyne ku sugan caasimadda gobolka Badhan.

Somalilandpost.net

Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories