HomeUjeeddada Baaq ay Kooxda Al-Shabaab u Dirtay Ikhwaanul Muslimiinta Masar oo shalay...

Ujeeddada Baaq ay Kooxda Al-Shabaab u Dirtay Ikhwaanul Muslimiinta Masar oo shalay Xabsiga Loo taxaabay hoggaamiyahooda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Muslim Brotherhood leaderHargeysa (SLpost)- Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta dalka Soomaaliya, ayaa ugu baaqday kooxaha Ikhwaanul-Muslimiinta dalka Masar inay dibed baxyada joojiyaan, taas bedelkeedana hubka qaataan si ay isaga difaacaan milateriga dalkaas ee ka tuuray xukunkii dalkaas ee ay hayeen.

Bayaan ay kooxda Al-shabaab ku soo qoreen barta ay ku leeyihiin Twitter-ka, ayey ku sheegtay in dibed baxyo la dhigo aanay waxba soo kordhineyn marka laga reebo in la xasuuqo dadka muslimiinta ah.

“Ikhwaanul Muslimiinka Masar waxaan ugu baaqaynaa inaanay shacabka ku baabi’in dimuqraadiyad aan natiijo lahayn, iska ilooba dimuquraadiyadda, maadaama aad waxba ku weydeen, hubka qaata naftiinana ka difaaca kuwa shacabkiinna gumaadaya ee gaalo raaca ah,” ayay Al-shabaab ka tidhi bayaankaas.

Al-Shabaab ayaa talaabooyinka ay qaateen ciidamada Masar ku sheegtay inay yihiin xasuuq badheedh ah oo lagula kacayo shacab aan hubeysneyn oo muslimiin ah. “Ciidamada Masar Hubka ay haystaan kulama dagaalami yaqaaniin Yuhuudda iyo kuwa la mid ah ee doonaya inay dhulalka muslimiinta qabsadaan, balse waxay ku xasuuqayaan oo keliya musliminta dalkaas ku nool, si ay sanka uga geliyaan xukunooda kali-talisnimada ah “ ayay ku tidhi Al-shabaab warka ay soo saareen.

Bayaanka Al-shabaab ayey ku sheegtay in militariga dalka Masar ay afgambi ku qabsadeen dalkaas xasuuqaas u geysteen dadka kasoo horjeeda afgembiga militariga ay dalkaas ka sameeyeen.

“Gumaadka ay milaterigu u geysteen shacabka Masar waxay caddeyn u tahay in ficil ahaan iyo dhaqan ahaanba ay u dhaqmayaan sidii ciidamo cadow ku ah dadkooda,” ayaa lagu yidhi warka ay Al-shabaab soo saartay.

Hadalka Al-shabaab ayaa ku soo beegmaya xili ay socdaan dibed baxyada ay kooxaha Ikhwaanul muslimiinta dalka Masar kaga soo horjeedaan milateriga dalkaas oo xukunka ka tuuray madaxeynihii sida dimoqraadiga ah loo soo doortay ee dalkaas Maxamed Mursi, waxaana dibed baxyadaas lagu dilay kumanaann qof oo shacab ah.

Dhinaca kale, Hoggaamiyaha Ururka Ikhwaanul Muslimiinka Maxamad Badiic ayaa xabsiga loo taxaabay xili ay dalkaas ka socdaan rabshado sii xoogeysanaya oo u dhexeeya milateriga dalkaas iyo taageerayaasha Ikhwaanka.

Dowladda ayaa sheegtay in Maxamed Badiic laga soo qabtay guri ku yaalla xaafadda Al-Nasar ee magaalada Qaahira oo ah halka ay dibedbaxyadu ka dhigayeen taageerayaasha madaxweynihii la afgembiyey ee dalka Masar Maxamad Mursi.

SOMALILANDPOST.INFO

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories