HomeUjeedada Wefti Imaaraadka ka Socda Oo Somaliland Yimid

Ujeedada Wefti Imaaraadka ka Socda Oo Somaliland Yimid

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa(SLpost)- Wefti ka socda hay’addaha Imaaraadka carabta ayaa soo gaadhay magaalada Hargeysa, waxaana wehelinayay safiirka dhawaan loo magacaabay Imaaraadka Baashe Cawil. Ujeedka socdaalka weftigan ayaa lagu sheegay dardar galinta mashaariic Imaaraadku Somaliland ka hirgalinayo.

Weftigan waxa ka hortegay oo soo dhaweeyey wasiirka Macdanta Xuseen Cabdi Ducaale, wasiirka Waxbarashada Faarax Cilmi Geedoole, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil, Wasiirka Deegaanka Shukri Baandare, Safiirka Chine u fadhiya Somaliland, Xoghayaha Madaxweynaha, Salaadiin, Masuuliyiin kale oo tiro badan, waxaana halkaasi ka hadlay Safiirka Imaaraadka, Wasiirka Macdanta iyo Wasiirka Deegaanka.

Safiirka imaaraadka  Baashe oo ugu horayn halkaasi ka hadlay ayaa yidhi, “maanta farxad weyn bay inoo tahay waftigan dalka yimid ee ka socda dawlada imaaraadka carabta ee halkan nagu soo dhaweeyay,  wasiiradii xukuumada iyo masuuliyiintiii kale ee qarankaba, waxaan aad iyo aad uga mahad celinaynaa sida diiran ee dalka loogu soo dhaweeyey gaar ahaan caasiamada somaliland ee hargaysa, waftigan imaaraadka  oo ka kooban sideed xubnood, waxa ay dalka joogi doonaan mudo sadex cisho ah, waxaanay  ka kala socda hay”adaha kala duwan ee dalka imaaraadka carabta, waxaanay runtii ujeedadoodu tahay sidii ay wax uga qaban lahaayeen masharaaicihii samafalka ahayd ee dawlada imaaraadku hore uga waday Somaliland.”

Wasiirka Macdanta,  Xuseen Cabdi Ducaale ayaa isna yidhi   “waftigan uu dalka keenay safiirka somaliland u fadhiya dalka imaaraadka aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay, farxad ayey inoo tahay walalaaheena imaaraadka oo xidhiidh soo jireeni uu ka dhexeeyey somaliland mudo dheer, dalkoodii hooyo markii ay marar badan yimaadeen, imikana ay mashaariic dhaxal gala ay dalka u wadaan, oo ka socotay markii madaxweynuhu imaaraadka tagay oo uu dawlada imaaraadka la kulmay oo mashaariico balbalaadhan oo horumara ay dawlada imaaraadku ugu balan qaaday somaliland,  maanta markaa waftigan  safiirku wadaa, waa inay dardar galiyaan oo hawlgaliyaan mashaariicdaa ay ugu balan qaadeen Somaliland.

 waftiga sida uu safiirku sheegay waxa uu ka kooban yahay sideed qof oo uu hogaaminayo  nin aan dalka ku cusbayn oo ka socda xukuumada imaaraadka oo layidhaahdo  maxamed al kacbi, iyo muhandisiin iyo Engineero iyo dadwaxgarada oo mashaariicdaa kala duwan haday tamar noqoto, haday deegaan noqoto, haday diinta iyo awqaafta noqoto, iyo xaga beeraha, mashaariic kala duwan oo aad u balaadhan sidii loo hirgalin lahaa ayey maanta dalka u yimaadeen”

Wasiirka Deegaanka, Shukhri  Xaaji ismaaciil Bandarre  “runtii maanta waxa weeye maalin aad u qiima leh, illaahaybaa mahad leh, waxaanan runtii aad ugu mahad celinaynaa safiirka somaliland u fadhiya dalka imaaraadka iyo waftiga balaadhan ee uu hogaaminaayey  ninka maanta masuulka ah ee maxamed al kacbi, dhamaan waan u wada mahad celinaynaa dalka somaliland waan ku soo dhaweynaynaa markii ugu horaysay ee aynu kulano maaha waxa weeyi dad jecel inay wax ina taraan,  jecel runtii inaynu wax noqono oo laba dawladood oo isku xidhan aynu noqono, aad iyo aad baan waftigaa balaadhan u soo dahaweynaynaa, sida ay inoo sheegeen safiirka iyo wasiirku runtii waxa ay u socdaan inay wax ina taraan oo wax inala qabtaan inay kor inoo soo qaadaan, dalka imaaraadku maaha dal aynu isku cusubnahay ee waa dalalka ugu wanaagsan ee aynu xidhiidhka dheeri inta  badan inaga dhexeeyey ummaddeenuna inta badan ay ku noolayd,

runtii wadankana laga soo dhisay wadamada laga soo dhisay ayey ku jiraan ee somaliland runtii lafdhabarta u ahaa, dadkeena halkaa jooga sida ay u soo dhaweeyeen iyo sida ay maanta dalkani uu yahayba qayb wayn oo laxaadleh ka qaateen, waynu kusoo dhawaynaynaa wixii waxqabada waan la shaqaynaynaa waanan la qabanaynaa illaahay baa mahad leh, madaxweynuhuna waxa weeyaan madaxweynihii inoo furay albaabada runtii ee albaabadaa wada garaacay ee maanta  dalalkaa iska wada daba imanaya dalkasta ha ahaadee furaha runtii  u noqday, madaxweynahana waxaan leenahay aad baad u mahadsan tahay, anaguna si sharaf leh oo qadarin leh ayaan u soo dhaweynaynaa waxna ula qabanaynaa hadii alle yidhaahdo.” Ayey tidhi Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare.

Halkan Hoose ka Daawo Warkaas Oo Muuqaal ah:

Somalilandpost, Hargeysa Office

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories