HomeUjeeddada socdaalka ay dalka ku yimaadeen Wefti ka socda Hay’ad Samo-fal oo...

Ujeeddada socdaalka ay dalka ku yimaadeen Wefti ka socda Hay’ad Samo-fal oo laga leeyahay dalka Sucuudiga

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (Slpost)- Wasiirka wasaaradda beeraha JSL  Mudane faarax cilmi Geedole  ayaa si diiran ugu qaabilay Gegida Diyaaradaha Cigaal International Airport ee magaalada Hargaysa Wafti ka socda Hay’ada International Relief  Organization  ee dalka Boqortooyada Sucuudi Arabia  kuwaaso u yimid  Qaybin kaalmo ay soo gaadhsiyeen Dalka.

Ugu horayn hogaamiyaha Xubnaha Weftigan Xaamud Al Rufayci oo Warbaahinta kula hadlayay Qolka Nasashada ee madaarka diyaaradaha ee Cigaal International Airport ee magaalada hargaysa ayaa sheegay in ujeedada socdaalkoodu la xidhiidho qaybinta deeq raashin mucaawimo ah oo ay dalka soo gaadhsiiyeen,taas oo ay ugu talo galeen sida uu xusay dadka danyarta ah ee Somaliland ,Mas’uulkani waxa uu ugu danbayntii ka  mahadceliyay  sida diiran ee dalka loogu soo dhaweeyay.

Wasiirka wasaaradda beera JSL  Mudane faarax cilmi Geedole ayaa sheegay in Hay’adani wado deeq raashin ah oo qiyaas ahaan dhan Lix Boqol iyo Konton Tan oo isugu jira Bariis,Timir,Saliid iyo Caano waxaanu tilmaamay in deeqdan loo qaybin doono dadka danyarta ah ee ku dhaqan Gobolada dalka oo dhan marka laga tago Saaxil iyo Sanaag oo hore loo gaadhsiiyay Kaalmadan .

Dhinaca kale Wasiirka Wasaarada Beeruhu wuxuu  uga  mahad naqay Hay’adan deeqdan raashinka ah ee ay ku soo kaalmeeyeen Walaalahooda Islaamka ah ee Somaliland taas oo Mudane Geedoole ku sifeeyay mid ay baahi u qabeen shacabka Somaliland kadib markii sida uu cadeeyay hoos u dhacay waxsoo saarkii dalaga beeruhu roob yaraan awgeed,Waxaa kale oo uu ugu baaqay in hay’ada  International Relief  Organtion ee Sucuudigu ay halkaasi ka sii wado hawlaha gargaar ee ay Somaliland soo gaadhsiiyeen.

SLpost News/Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories