HomeUjeedada Socdaal Wefti Uu Hogaaminayo Wasiirka Madaxtooyadu Ay Ugu Kicitimeen Dubai

Ujeedada Socdaal Wefti Uu Hogaaminayo Wasiirka Madaxtooyadu Ay Ugu Kicitimeen Dubai

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Dubai (SLP)-  Wefti uu hogaaminayo wasiirka wasaaradda madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo ay ka mid ahaayeen wasiirrada hawlaha guud, ganacsiga iyo maareeyaha dekadda Berebra, ayaa maanta socdaal shaqo ugu kicitimay dalka isu-taga Imaaraadka carabta, gaar ahaana magaaladda Dubai.
U jeedadda socdaalka ay masuuliyiintaasi ugu baxeen Imaaraadka Carabta ayaa la xidhiidha wada-hadal iyo qiimayn ay ku samaynayaan shirkad magaceeda la yidhaahdo Dubai World, taasi oo danaynaysa in ay maalgashi ku samayso dekadda Berbera.
Sidaasina waxaa lagu sheegay qoraal kooban oo uu wasiirka madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan, uu xalay ku baahiyay bogga uu degelka Internet-ka ku leeyahay eeGuusha.com.
Qoraalka uu wasiirka madaxtooyadu kaga hadlay socdaalkooda, waxa uu u dhignaa sidan:
“Waxaanu Maanta (shalay) ka soo amba baxay Caasimada Somaliland ee Hargeysa anigoo ku sii jeeda dalka isutaga Imaaraadka Carabta ‘UAE” gaar ahaan magaaladda Dubai. Safarkan oo ay igu wehelin doonaan Masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Hawlaha Guud, Gadiidka iyo Guryeynta Mud. A/razaq Khaliif Axmed , Wasiirka Ganacsiga iyo Maaligashiga Mud. Muuse Qaasim Cumar iyo Maareeyaha Dekeda Berbera Eng. Cali Maxamed Xoor-xoor.
U jeedadda socdaalkayaga ayaa noqon doona in aanu wada hadal iyo qiimayn ku soo samayno shirkad danaynaysa in ay maalgashato dekeda Berbera magaceedana la yidhaahdo Dubai World.”
Waxaan rejaynayaa in wada hadalkaasi noogu soo dhamaado is-afgarad iyo is-faham sidoo kalena noqdo mid al-baabka u fura maalgashi caalami ah oo dalkeena lagu sameeyo.
Waxaa hubaal ah in guud ahaan dalkeenu u baahan yahay in uu xidhiidh fur-furan la yeesho dalalka jaarka ah iyo caalamkaba, si loo helo maalgashiyo waaweyn “Macro investment” oo wax badan ka tari kara dhinacyada shaqo- abuurka iyo guud ahaanba horumarka dhinacyadiisa kala duwan.
Shacabka Somaliland ee jecel horumarka iyo horusocodka waxaan ugu bushaaraynayaa in talaabadani ay bilow u noqon karto Somaliland cusub oo caalamka la socota”.

Wa Bilaahi Tawfiiq.


Somalilandpost.net


Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories