Home"Ugu yaraan 400 arday oo danyar ah ayaanu sannadkiiba ka bixinaa jaamacadaha...

“Ugu yaraan 400 arday oo danyar ah ayaanu sannadkiiba ka bixinaa jaamacadaha dalka, waana arrin…”

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa sheegay in Wasaaraddeedu ay sannad-kasta kafaalo-qaaddo kharashka Waxbarasho heer jaamacadeed ah oo ay kaga bixiyaan 400 oo ka mid ah ardayda qoysaskoodu danyarta yihiin ee ka baxa dugsiga Sare ee dalka.

Wasiirka Waxbarashadu waxa ay sidaas ka sheegtay munaasibad maanta lagu daahfuray Koox kubadda Koleyga ah oo Wasaaradda Waxbarashadu qaadatay, kuna ciyaari doona magaca Wasaaradda.

samsamKooxdan oo magaceeda la yidhaa IFTIN, kuna metali doonta xirfadda kubadda kolayga Wasaaradda Waxbarashada, waxa munaasibadda lagu daahfuray lagu qabtay hoolka guriga shaqaalaha dawladda ee magaalada Hargeysa, taasi oo ay ka qaybgaleen Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Marwo Samsam Cabdi Aadan, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, xildhibaanno, madax kala duwan, dhallinyarada ciyaartoyga kooxda cusub iyo marti sharaf kale oo u badan bahda ciyaaraha.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Marwo Samsam Cabdi Aadan oo munaasibaddaas ka hadlay ayaa guud ahaan dhallinyarada waddanka kula dardaarantay inay ku dadaalaan waxbarashada iyo ciyaaraha oo ah laba isku lammaan oo aan kala hadhin, kana fogaadaan balwadaha ragaadiyay da’yarta.

“Waxaannu dhallinayarada u samayn doonaa xarun ciyaareed (club) wayn oo ay isugu yimaadaan. Dhallinayarada Somaliland way nasiib badan yihiin oo waxay hoos yimaadaan labada wasaaradood ee waxbarashada iyo Ciyaaraha. Ugu yaraan 400 arday oo danyar ah ayaanu sannadkiiba ka bixinaa jaamacadaha dalka, waa arrin wax wayn u tartay dhallinyarada, laakiin marka la barbar-dhigo baahida guud ee dalka ka jirta waa mid aad u yar. Waxaannu ku rajo waynahay inaanu sii wadno dadaalkayagan oo aannu wax kasta oo aannu hayno si siman oo caddaalad ah ugu qaybino dhallinyarada Somaliland. Waxaannu ku dadaali doonaa inaannu gobol kasta ka samayno kooxda IFTIN ee Wasaaradda Waxbarashada, kooxdan maanta (shalay) aanu la wareegaynaa waxay noqon doontaa xulka qaranka ee wasaaradda oo hormood u noqon doonta dhamaan kooxaha,” ayey tidhi Wasiir Samsam Cabdi Aadan.

samsam2Waxa kale oo kulankaas ka hadlay Guddoomiyaha Xidhiidhka Kubadda Kolayga Somaliland Maxamuud Xasan Cabdillaahi (Qodax) oo sheegay in aasaaska kooxdan kubadda kolaygu tahay mid ka timi Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Marwo Samsam Cabdi Aadan oo iyadoo aan cidi ula tagin ay keligeed garatay inay maalgeliso dhallinyaro ku ciyaarta magaca wasaaraddeeda.

Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiillada, isla markaana hore u ahaa ciyaaryahan kubadda kolayga ah oo ka mid ah dadkii soo xulay kooxdan cusub, ayaa ku ammaanay wasiirka doorka ay qaadatay iyo weliba qalabkii ay ku ciyaari lahaayeen oo dhar, dirays iyo kabo ka kooban oo isla xafladda lagu wareejiyey dhallinyarada kooxda IFTIN.

Xoghayaha guud ee Gudidda Olambikada Qaranka Mubararak Farah Xidhigle oo isna goobta ka hadlay, ayaa ku hambaleeyey Wasiirka Waxbarashada tallaabada ay qaaday, isagoo ku dhiirigaliyay kooxda cusub ee Iftin inay muujiso dadaal iyo karti si ay ku noqoto mid ku tartanta tartamada heerka koobaad.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Xuseen Ahmed (Dhabbeeye), ayaa isna khudbad dheer oo uu xafladda ka jeediyey kaga warramay siyaasadda horumarinta wasaaradda Ciyaraha ee dhinacyada dhallinyarada iyo ciyaaraha iyo weliba waxyaabihii u qabsoomay wasaradiisa.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories