HomeUganda Oo Joojinaysa Tababarrida Ciidamada Soomaaliya

Uganda Oo Joojinaysa Tababarrida Ciidamada Soomaaliya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Kampala(SLpost)- Dowladda Uganda ayaa shaacisay inay joojinayso tababarrada ay ciidamadeeda ku sugan Somalia siiyaan ciidamada dawladda Somalia oo ay in muddo ah wadday.

Warbixin kasoo baxday xukuumadda Kampala oo lagu baahiyay qaar ka mid ah warbaahinta dalkaas ayaa lagu sheegay in madaxda Uganda ka doodeen sida uu u socon karo qorshaha lagu tababarro ciidamada dowladda Somalia.

Sidoo kale, ujeedka ugu weyn ee xukuumadda Uganda u joojinayso tababaridda ciidamada Somalia waxaa lagu sheegay inay tahay cabsi laga qabto in ciidamada marka tababbarka u dhammaado ay ku biiraan Al-shabaab ama ay goostaan.

“Xukuumadda Uganda waxay joojinaysaa tababaridda ciidamada Somalia oo ka mid ahaa qorshaheeda ay qaybta uga tahay howlgalka ururka Midowga Afrika ee AMISOM,” ayaa lagu sheegay warbixinta.

Mas’uuliyiinta Uganda ayaa laga soo xigtay in tiro badan oo askartii ay tababareen ka mid ah aysan hadda shaqeyn oo ay ciidamada ka baxeen, taasoo keenaysa in shaqada la joojiyo; iyadoo uu jiro heshiis ay QM og-tahay oo ah in la tababaro ciidamada Somalia.

Dhanka kale, dowladda Uganda ayaa ku doodaysa in sababta ay u joojinayso tababaridda ciidamada Somalia ay tahay inay ka cabsi qabaan inay goostaan; haddana waxaa jira culeys dhaqaale oo howlgalka AMISOM haysta xilligan.

Ugu dambeyn, mar hore ayaa waxaa soo baxayay warar sheegaya in ciidamada Uganda ay magaalada Muqdisho ku tababareen dagaalyahanno Al-shabaab ka tirsan; taasoo keentay in saraakiil Uganda u dhashay maxkamad lagu soo taago arrintaas

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories