HomeUGANDA: Musuqmaasuqa oo Xadhkaha Goostay

UGANDA: Musuqmaasuqa oo Xadhkaha Goostay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

SLpost- Wasiirka Anshaxa dalka Uganda, Simon Lokodo ayaa sheegay in meel sare uu dalka Uganda ka marayo musuq-maasuqa, isagoo sheegay inuu hala-keeyay xukuumadda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay.

“Musuqmaasuqu wuxuu niyad-jabiyay maal-gashadayaashii shisheeyaha ahaa iyo kuwii dalka u dhashay,” ayuu yidhi Simon, oo intaas ku daray in dawladdu ay xoojin doonto tallaabooyinka ay kula dagaalamayso wax-is-daba-marinta.

Khuburo calaami ah ayaa sheegay in tallaabooyinka ay dawladda Uganda kula dagalaamayso musuqa ayna ahayn kuwo ku filan in la cidhib-tiro dhibaatada uu dalkaas gelinayo lunsashada hantida dadweynaha.

Agaasimaha guud ee isbahaysiga ka hortagga musuqmaasuqa ee dalka Uganda, Cissy Kagaba ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Turkiga Anadolu in dalka Uganda uu dhaqan u leeyahay isla-xisaabtan la’aanta.

Dowladda Uganda ayaa kaalinta 142-aad ka gashay shaxda lasoo saaray 2014-kii taasoo ku saabsanayd heerka musuqmaasuqa waddamada Calaamka oo lagu sameeyay 200 oo waddan.

Maal-gashadayaasha caalamiga ah ayaa markii ay tagaan waddanka Uganda si ay ugu sameytaan maalgashi waxaa la weydiiyaa lacago badan, taasoo ku keenta inay dib uga laabtaan dalkaas.

Sidoo kale, Simon Lokodo ayaa sheegay in dadka maal-gashiga ku sameynaya Uganda la weydiisto laaluush fara badan, isagoo yidhi. “Kuwani waa cadowga dalka, waxay laaluush ka badan 30% weydiistaan dadka maal-gashiga ku sameysanaya Uganda.”

“Tani waxay dhaawacaysaa ku dhaqanka sharciga. Waa in cid walba ay ilaalisaa sharciyada dalka iyo qorshayaasha lagu horumarinayo waddanka,” ayuu wasiirku ku daray hadalkiisa, isagoo sheegay inaan laga guuleysan karin kuwa musuqa ku dhaqmaya haddii aan la isla xisaabtamin.

Dhanka kale, Lokodo ayaa intaas ku daray in Uganda ay soo mareen xaaladhii ugu xumaa ee musuq-maasuq, kaasoo ahaa in sannadkii 2012-kii la lunsaday lacag gaadhaysa 63.98-milyan oo doollar oo ahayd deeq Uganda la siiyay.

Ugu dambeyn, hadalka wasiirka ayaa kusoo beegmaya iyadoo lagu wado in 09-ka bishan December laga hadlo musuq-maasuqa caalamka ka dhaca; iyadoo ay Uganda isku dayayso inay dhinto heerka musuq-maasuq ee dalkeeda ka jira.

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories