HomeUganda: Maraykanka Oo Billado Siiyay Taliyayaal Hore Oo AMISOM ahaa

Uganda: Maraykanka Oo Billado Siiyay Taliyayaal Hore Oo AMISOM ahaa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

 

Uganda(SLpost)-Xukuumadda Mareykanka ayaa lix jeneraal oo ka tirsan ciidanka millateriga Uganda guddoonsiisay billado, sarkaalkiishan ayaa la sheegay inay kaalin weyn ka qaateen dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab iyo nabadeynta Somalia.

bilad 2

Jeneraalladan ayaa billadaha merit oo ciidamada dalka Mareykanku bixiyaan waxaa lagu guddoonsiiyay arbacadii shalay xarunta ciidamada sirdoonka dalka Uganda oo ku taalla deegaanka mbuya.

Billaddahan waa kuwo ay mareykanku guddoonsiiyaan ciidamada kaalimaha wanaagsan ka qaata hawlaha loo ig-maday, iyadoo marka laga tago ciidamada mareykanka horay loo guddoonsiiyay ciidamada dalalka calaamka qaarkood.bilad 4bilad 5

Taliyaha ciidamada Mareykanka ee ku sugan qaaradda Afrika, Jen. David M. Rodriguez, ayaa wuxuu billadahan gudoonsiiyay; Jen. Edward Katumba Wamala, Jen. Andrew Gutti, Jen. Levi Karuhanga, Jen. Nathan Mugisha, Jen. Francis Okello & Jen. Fred Mugisha.

Shan ka mid ah saraakiishan waxay soo noqdeen taliyeyaasha ciidamada AMISOM ee ka howlgala Somalia, balse Jen. Edward Katumba Wamala oo lixdan sarkaal ka mid ah, isla markaana hadda ah taliyaha ciidanka millateriga Uganda ayaa Wuxuu ku mutay billadaan inuu ahaa sarkaal si toos ah ula socday howl-galka ciidanka Uganda ee ka tirsan AMISOM.

“Waxaa billadahan la guddoonsiiyay ugu yaraan 200 oo sarakal oo waddamada calaamka ka tirsan oo ay qayb ka yihiin lixdaan Jeneraal ee dalka Uganda u dhashay; waana markii ugu horreysay oo saraakiil Uganda u dhashay la guddoonsiiyo,” ayuu yiri Jen. Rodriguez oo goobta ka hadlay.

Taliyaha ciidamada Mareykanka ee qaaradda Afrika ku sugan ayaa Hadalkiisa ku daray in sababta lixdan Jeneraal ee dalka Uganda u dhashay loo siiyay billadahaan ay tahay kaalintii wanaagsanayd iyo hoggaaminta millateriga Uganda ee AMISOM ay ka muujiyeen intii ay Howlgalka ku jireen.

“Sababta aan u siinnay billadahan lixdan sarkaal waa kaalintii ay ka qaateen howlgalka Midowga Afrika ee Somalia, waxayna hormuud u ahaayeen isbedelka nololeed ee xilligan ay haystaan shacabka Soomaaliyeed,” ayuu Jen. Rodriguez raaciyay Hadalkiisa.

Jen. Rodriguez ayaa hoosta ka xarriiqay in saraakiishan ay kaalin weyn ay ku lahaayeen dadaalka nabadeynta Soomaaliya iyo in dowladda hadda ka jirta Somalia ay salka dhigato; waxayna muujiyeen buu yidhi mas’uuliyad weyn oo ay dalkooda ku matalayeen.

Dhanka kale, taliyaha Millateriga Uganda, Jen. Katumba Wamala ayuu isna ku ammaanay taageeradii uu la garab-taagnaa ciidamada dalka Uganda ee Soomaaliya ka hawlgala, xilli ay ciidamadoodu dagaallo kula jiraan Al-shabaab.

Taliyaha millareriga Uganda, Jen. Katumba Wamala ayaa isna munaasabaddan ka sheegay inuu ku faraxsan yahay inay billado helaan, isagoo xusay inay sii wadi doonaan Hawlgalka ay ka hayaan Somalia illaa inta ay Al-shabaab tirtirayaan.

“Haddii hawlgallada lagu xasilinayo Somalia aanan si wadajir ah u qaban lahayn maanta Somalia ma joogteen halka ay joogto. Hadda Soomaaliya waxaa ka jira ammaan weyn, Al-shabaabna waxay ku sugan yihiin meelo aad uga fog goobaha ay shacabku ku nool yihiin,” ayuu yiri Jen. Wamala.

Ugu dambeyn, Taliyaha UPDF-ta dalka Uganda ayaa Hadalkiisa kusoo xidhay inay ka go’an tahay inay sii wadi doonaan Hawlgalka Somalia. “Waxaan maanta ballan-qaadaynaa inaan sii wadi doonno Howlgalkayaga Somalia. Waxaana naga go’an in shacabka Soomaaliyeed ay helaan Ammaan ay kaga Nabad-geli karaan kooxda Al-shabaab oo nolosha ku Ciriiriyay Bulshada Soomaaliyeed.”bilad 3

Si kastaba ha ahaatee, Waddanka Uganda ayaa waxaa Soomaaliya kaga sugan kumannaan Askari oo qayb ka ah howlgalka Midowga Afirka ee Somalia, kuwaas oo Dagaal kula jira Al-shabaab, inkastoo 01-dii bishii lasoo dhaafay ee September lagu weeraray Saldhig ay ku leeyihiin Deegaanka Jannaale oo halkaasoo looga laayay Askar fara badan.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories