HomeUgaaska Guud ee Beesha Yaasuf Isaaq (Sacad Muuse) oo lagu caleemo-saaray Degmada...

Ugaaska Guud ee Beesha Yaasuf Isaaq (Sacad Muuse) oo lagu caleemo-saaray Degmada Xarshin ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

blankXarshin (SLpost)- Ugaas Maxamed Cumar Cabdi oo ah Madaxdhaqameed cusub oo ku soo kordhay Isimada Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, ayaa lagu caleemo saaray Deegaanka Calaydh oo ka tirsan Degmada Xarshin ee Gobolka Faafan.

 

Ugaaskan oo ay dooratay  Beesha Yaasuf Isaaq (Sacad Muuse) ayaa munaasibada lagu caleemo-saaray, waxa ka qaybgalay marti-sharaf isugu jirta Madaxdhaqameedyo ka kala yimi Deegaamada Soomaalidu degto, siyaasiyiin, waxgarad, aqoonyahan iyo Dadweynaha Ardaaga uu ka soo jeedo Ugaasku.

 

Guddoomiyaha Degmada Xarshin, Xubno kamida cuqaasha iyo Odayaasha Deegaanka uu ka soo jeedo Ugaaska cusub oo ugu horayn Xafladaasi hadallo ka jeediyey ayaa madasha caleemo-saarka ku soo dhaweeyey marti-sharafta ka soo qaybgashay, waxaanay alle uga baryeen Ugaas in uu ku asturo mansabka dhaqan ee lagu caano-shubay.
Madaxdhaqameedyada ka qaybgalay munaasibada oo uu kamid yahay Suldaanka guud ee Beelaha Subeer Awal, ayaa khudbado ay halkaasi ka jeediyeen waxay dhamaantood ugu duceeyeen in uu alle xilka u fududdeeyo Isinka la caleemo saaray, iyaguna ay la shaqayn doonaan, waxaanay u soo jeediyeen in uu ku shaqeeyo Cadaalad iyo hufnaan dhaqan.

 

Isimada ayaa sidoo kale ka waramay kaalinta uu hogaanka dhaqanku ku leeyahay nabad-gelyada, midnimada iyo horumarinta bulshada iyo doorka uu Soomaalida u leeyahay, waxaanay Ugaaska cusub kula taliyeen in uu raaco toobiyaha soo jireenka ah ee uu dhaqanku leeyahay, iyagoo geesta kalena Beeshiisa ku adkeeyey inay la shaqeeyaan, isla markaana u dhamaystiraan waxyaabaha uu uga baahan yahay si uu shaqadiisa u guto.

blank

Suldaan Xasan Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Cabdilaahi, Ugaas Naasir Ugaas Maxamed Xasan Qaalib, Suldaan Naasir Suldaan Cabdiraxmaan Ismaaciil, Suldaan Maxamed Aw Cali Jaban iyo Hogaamiye-dhaqameedyo kale oo tiro badan oo ka kala yimi Somaliland iyo Dawlad-deegaanka Soomaalida, kuwaasi oo  halkaasi ka hadlay, ayaa si mug leh u soo dhaweeyey Ugaaska cusub, una jeediyey tallooyin la xidhiidha masuuliyada dhaqan ee uu qabtay, iyagoo ku adkeeyey in uu yeesho gacan furan, guddoon adag iyo go’aan garsoor ah.

 

Ugaaska guud ee Beelaha Absame iyo Madaxdhaqameedyo kale oo kamida Isimada Beelaha Dega Gobolka Soomaalida ee Itoobiya, ayaa xafladaasi iyaguna ku soo dhaweeyey Ugaaska cusub, waxaanay dhankooda sheegeen inay si niyad samiya oo waafaqsan hannaanka Dhaqanka ula shaqeyn doonaan Ugaaska.

blank

Guud ahaanba madaxdhaqameedyada ayaa kula dardaarmay Beesha Ugaaska dooratay inay adeecaan, howshana ku garab joogaan oo aanay ka hagran xoog iyo xoollo wixii uga baahdo.

 

Ugaas Maxamed Cumar Cabdi oo markii lagu caano-shubay kaddib, gabagabadii Xaflada hadal kooban ka jeediyey ayaa uga mahad-naqay marti-sharafta ka soo qaybgashay munaasibada, waxaanu balanqaaday in uu masuuliyada dusha loo saaray uga soo bixi doono sida loogu dhiibay, isla markaana uu ku shaqayn doono tallooyinka iyo tusaaleyaasha looga soo jeediyey halkaasi.

 

WARKAN OO MUUQAAL AH DAAWO

 

Ugaaska ayaa kamid noqon doona Hogaamiyeyaasha Dhaqanka ee beelaha Dega Gobolka Soomaalida Itoobiya oo tan iyo markii Isbedelka maamul ka dhacay soo kordhayaan abaabulka ay Bulshadu kula jaan-qaadayso nidaamka cusub ee ka curtay.

 

DAAWO SAWIRRADA

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories