HomeUgaaska Guud Ee Beelaha ARAB oo Hargeysa lagu soo dhaweeyey, ...

Ugaaska Guud Ee Beelaha ARAB oo Hargeysa lagu soo dhaweeyey, kana talo-bixiyey Xaaladda Siyaasadeed ee Dalku ku sugan yahay wakhtigan

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Ugaaska Guud ee Beelaha ARAB Ugaas Axmed Maxamed Siciid (Cali Mahdi) ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyey Madaarka Caalamiga ah  Egal International Airport ee Magaalada Hargeysa, kadib markii uu ka soo kicitimay dalka Sucuudi Arabia.

Ugaaska waxa Madaarka ku soo dhaweeyey, Suldaan Maxamed Barre Warsame Shire, Suldaan Xuseen, Agaasimaha Tejnoolajiyada, haweenka,Abwaan Ismaaciil-JIHEEYE,Cuqaal, Odayaal, Haween iyo marti sharaf kale.
Suldaan Maxamed Barre Warsame Shire ayaa waxa uu yidhi, “Saaka waxaan halkan ku soo dhaweynaynaa Ugaaska Guud ee beelaha Arab Ugaas Axmed Maxamed Siciid (Cali Mahdi), maaha markii ugu horeysay ee uu Ugaasku dalka yimaado, hasayeeshe dhowr jeer oo hore ayaan halkan ku soo dhaweynay.Waxaan ku leenahay Ugaas soo dhawoow, uu dhulkaagii Hooyo ku soo dhawoow.”

UGAASKA ARABIsaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi, “Wixii talo iyo arrin ah ee aad dalka u sidana waan kaaga fadhinaa.”
Suldaan Xuseen Xaaji Cabdilaahi ayaa waxa uu sheegay inay madaarka Caalamiga ah Egal International Airport ay ku soo dhaweynayan Ugaaska Guud ee Beelaha ARAB Ugaas Axmed Maxamed Siciid, “Ugaas Waxaan kugu soo dhaweynaynaa qalbi furan iyo gacmo furan, weliba annagu (Subeer-celi ARAB) waxa beesha u furmayaa shir, kaas oo aan jeclayn inuu Ugaasku nagala qeybgalo furitaanka”.Ayuu yidhi

Abwaan Ismaaciil JIHEEYE oo ka mida abwaanada ee wakhtigan suugaantiisa  aad looga yaqaano dhulka Soomaalidu degto, oo isna ku soo dhaweeyay ereyo Suugaan ah, ayaa waxa uu yidhi ”Ugaas soo dhawoow,

Waa lagu sugaaye soo dhawoow,
Lagu saadiinaaye soo dhawoow,
Lagu soo dhaweeye soo dhawoow,
Milgo lagugu sooryee soo dhawoow,
Muunoo lagugu soorye soo dhawoow,
Maamuus lagugu salaanye soo dhawoow.
Sacab lagu garaacye soo dhawoow,
Si weyn laguu xilqaamye soo dhawoow,
Waa subax naruuro lehe soo dhawoow,
Waa mood salaantuye soo dhawoow”

Ugaaska Guud ee Beelaha ARAB Ugaas Axmed Maxamed Siciid (Cali Mahdi) oo wejigiisa ay ka muuqatay farxad baddan ayaa ka hadlay soo dhaweyntii qiimaha baddan, ayaa waxa uu yidhi“Madax-dhaqameedkayga, masuuliyiintayda, haweenka iyo dhamaan marti-sharafta halkan igu soo dhaweysay waxaan leeyahay waad mahadsan tihiin.Waxaan idinku salaamayaa salaam u qalanta sida aad igu soo kalahdeen.”

“Maalmahan waxaad mooda inay bahashii Siyaasada ahayd ALAMTARA soo dhaaftey, inay qabyaaladii xadhiga soo goosatay. Waxaad maqli jirteen labada dale e dagaalamayaa xabad-joojin ayay kala saxeexdeen maanta waxaynu u baahanahay inaynu yooyootankii siyaasada xabad joojin loo kala saxeexo, Dalkeenana qabyaalad khatar ah ayaa ka socota oo aad ka naxayso markaad qurbaha joogto. Markaa  waxaan soo jeedin lahaa in qabyaalada dhinaca kale laga istaago, oo metelan anigu bahda madax-dhaqameedka ee aan ku jiro ay ku midoobaan bahda madax-dhaqameedka, oo saxaafaddu ku midowdo bahda saxaafadda, Abwaaniintu ku midowdo bahda abwaaniinta.”

“Baha madax-dhaqameedka ee aan ka tirsanay waxay ahaan jirtay, oo Odey ayaan ka maqli jirey “Garowga oo la calaaliyo ayaan soo gaadhay”, waxay ahaan jireen niman sharaf leh, nabad-doona, xarago iyo dulqaad-ba leh, ee inanka yar ee qoriga la carara garba-duub u qaban jirey.Hada waxaad mooda qolyahayagii madax-dhaqameedka inay inankii ku yidhaahdeen qorigii waad la gaabinaysaa oo ay iyagu ka dheereeyeen.waxaan jeclaan lahaa inay halkoodii ku soo noqdaan.”
“Siyaasadu qurux ayey lahayd, xifaaltan ayay lahayd dhadhan macaan ayay lahayd imika-se aabahay goblanyee ayaa ka dhacday.”

“Xukuumaddu waa Aabo dhex fadhiya ubadkiisa, dulqaad ayaa looga baahan yahay,waxa loo baahan yahay in dadku wada dhalashada iyo nabadgelyada ay ilaashadaan”
Ugaasku Mar uu la hadlayay Mucaaridka Somaliland waxa uu yidhi“Nimanka mucaaridka ah waa sax inay wax dhiilaan oo ay sheegaan wixii gal-daloolooyina ee jira,laakin waxaan qabaa inay taladeediina sheegaan. Waxa lagu tartamayaa waa shicibka,waa inay soo bandhigaan wixii ay wax ku bedeli lahaayeen, laakin halkan ugama baahnin mid wax cambaareeya.Waddankana waynu wada leenahay ee ubadka ha loo tudho.”

Sidoo kale, Mar uu Ugaas Axmed Maxamed Siciid la hadlayay Saxaafadda Somaliland waxa uu yidhi “Bahda Saxaafaddana waxaan leeyahay,waar siyaasiyiinta hirgoo-hirgooda ka daaya, oo xanshaashaqii ku celiya, wixii wanaagsan ee aad qortaan wuu idinka iibsamayaa,laakin wixii xun ee aad qortaan idinka ayuu dhaawac idiin geysanayaa, cadowguna yaanu gal-daloolooyin innaga helin, dalkani waa dalkeeni, dadkuna waa dad wada dhashay, way xafiiltamayaan, waa la iska horimanayaa, waa la heshiinayaa. Arrintuna waxay tahay anigaa kaa dheeraynaya iyo anigaa kaa dheeraynaya.xumaana la iskuma hayo.”

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories