HomeUdub-dhexaad: Suugaan Maamuus U Ah Waalid. W/T Siciid Maxamuud Gahayr‏

Udub-dhexaad: Suugaan Maamuus U Ah Waalid. W/T Siciid Maxamuud Gahayr‏

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

siciid maxamuudWaa ehelkay iyo adeerkay rumaad, Ilaahay ha ku nooleeyo nabad. Marka laga yimaaddo hooyaday Hodan Cabdi Cilmi, Qof aan arko isaga ayaan u jecelahay. Wuu iga samaystay, wuxuu iigu jiraa kaalintii Marxuum Maxamuud Gahayr. Sida Soomaalida, ma jecli in aan qof ammaano marka uu xabaalaha galo annaga oo nool ayaan xus iyo maamuus dusha u saarayaa. Gabaygani waxa uu qiraal iyo milge u yahay adeerkay Khadar Maxamuud Jaamac (Khadar Beyle), maareeyaha Shirkadda Diyaaradaha ee Jubba Airways, xafiiskeeda Somaliland. Waxa aanan qof ahaan illaawin doorkii uu ka qaatay safarkii aan ku tegay dalka Baakistaan oo rabay in aan waxbarasho Culuumta Caafimaadka ah ka barto sannadkii 2007da, markii ay hirgeli weyday waxa uu yidhi “Adeer Shiinaha aanu kuu dirno”. Aniga oo culayska la diiddan ayaan idhi “adeer, Jaamacadda Hargeysa ayaan geli. Carruurta aanu walaalaha nahay oo  agoon ah, da’ ahaanna yar ayaan ka war hayn doonaa”.

Ma illaawo doorka uu ugu jiro qoyska, qaranka iyo qof ahaanba kaalin-qaadkayga. Waa ragga inta badan dusha u ritay daabacaadda Diiwaanka Samo-talis: Sooyaalka Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf.  Waa nin deeq iyo dayro leh. Waa nin wacadka ilaaliya, waa nin hadalkiisa rumeeya. Waa nin aqoonnin soo laabo iyo ballan-burin. Sannadkii 2014ka waxa uu dhammeeyay khilaaf noo dhexeeyay dugsiyo waxbarasho. Haddii ay diintu ina fartay in aynu xigaalka xidhiidhinno, waa shakhsi laf-dhabar u ah gudashada waajibaadka saaran.

 

Waa kuwan meerisyadii gabaygu:

 

Haddii aan adeer runa u qiro, wuu istaahilaye

Halkii aabbo Maxamuud Gahayr, awdday qaayaha’e

Akhyaar kale, ilaaq qaar wadaa, eegga duufsadaye

Adhaxdiyo jidhkaygaad u tahay, udub-dhexaadkiiye

Araggiyo naftaa kugu farxoo, uursamaan leda’e

Waxad tahay ugaas iyo halyey, aarka madaxdaaye

Adigaa Ilayskii cilmiga, noo iftiin shidaye

Ardaydaad xilqaaddaa dhawaan, loo abshirayaaye

“Ubax baad tay, aayaha barbaar, laga dhex eegtaaye

Awlaadso diintaa leh sharaf, Eebbehaan faraye”

 

Asluubta iyo waanadu naftay, olol ka biiyeene

Afar-midabale adigaan ahayn, aynabaad gacale

Adigaa axdiga dhawritaan, oofsha wacadkiiye

Adigaa agoontiyo u roon, uun-sabool-dhacaye

Ololaha markii loo kacaca, waad agaasimiye

Adigay astaamaha gobeed, yeeshay idilkoode

 

Islaamkaad tay geestii la dayo, ubaxa khayraade

Af-legaaddo adigaan i odhan, tay addimayaane

Intaad uunka nooshahay marnaba, kuma illaabeene

Ubadkiyo dhashaadana abaal, wuu anfacayaane

Aakhiro Raxmaankaa jannada, oodda kaa rogiye

Kuwa oonka diihalayiyo, aafo yaad marine

Wixii aad abqaashuu Ridwaan, kuugu odayayne

Udgoonii Rasuulkuna samaa, waw ergayn garabe

Inta xawdka aaddaad ahaan, ulasho rayrayne

 

Anigoo ujeeddooyin raba, ayni lagu doono

Eber iyo adaan goor i dirin, oohin-ciil keliye

Ufo iyo sidii roobka da’ay, waw abshirisaaye

Haddaan eersanlaa dumar runtii, way abhinayseene

Ereygaaga wuu ii rumayn, Eebbe dulucdiiye

Asaaggayna heegaan ka mari, aasha guulaha’e

Waan adkaysan gooraha ad-adag, aaminkaa xigiye

Ogsoonaanta dawgaad martaan, eeggadaa mariye

 

Anigoo itaal-daran markii, aaska lagu yaacay

Arxankiyo tudhaalkaad lahayd, ii iftiin hire’e

Af-legaaddo milaygaan saqdhexe, iinta tirinaayay

Adigaa sidii ila-biyeed, oon-qoraal tiraye

Oggolaan adaan ii fasixin, ehelo-shiidkiiye

“Yaanu oogsan nacabkiyo xubnii”, kaa aqbalay deexe

Nin kaloon asmici-laa ma jiro, eedihii jiraye

 

Maantana Imaam baan rabaa, aw masaajida’e

Eedaankaa dhaaxaan gadiid, oogay faralkiiye

Ebyay oo Taraawiixda guud, waan aloos-galaye

Iblays baa nin guurtiya ku yidhi, “caawa soo eriye”

Sidii baan afkaw buurayaa, aarso maan garane

Ibtilada waxaa dhigay tolkeen, oodda kaan xigine

“Hadduu aabbihii go’ay maxaa, keenay aradkeenna

Iimaanka samirkaa u roon, teer anaa haga’e”

Haddii aan aftahannimo cuskado, la ima eegteene

Ixtiraamka wuu iga mudnaa, aadmi lay diraye

Orta hadalka, anigaa Jimcaha, ereysan jeellaaye

Allaheenna mooyee cid kale, maw af-furilayne

Bal abaabul maantana adaan, kuu irkanaaye

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories