HomeUbaxa Kacaanka Yaa U Warrama ?

Ubaxa Kacaanka Yaa U Warrama ?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Cigaal , Waa bastii, saddex Gu’ roob kuma Hoorin, ma yaqaan cidaan xoolihiisa iyo caruurtiisa aheyn, waxaa uu maqlaa inay jirto dawlad, balse wali ma uu arag meel ay joogto, waxaa uu dhageystaa nin la yidhaa Axmed oo ka madaxa Ubaxa kacaanka, wali se indhihiisu may qaban Hogaamiyaha ubaxa kacaanka, waxaa uu deganyahay Baadiye ku yaal waddo uu maro Aabbaha Kacaanku marka uu safarka yahay , waxaa lagu yidhaa waaka halkaa marey, Waa Ayo ayuu yidhaa? Waxaa loogu jawaabaa waa Axmed Hogaamiyaha Kacaanka, sheeduu ka eegaa gawaadhi sii Socota, wuu dhaafey uunbuu maqlaa, yaa dhaafey buu yidhaa? Isagii baa soo noqday baa la yidhaa, Gawaadhida ma arkaba Boodhka ay ka tageen ayaa siigada ku kiciya Arrag iyo hadalba Daa.

Cigaal, xerrada waxaa ugu jira Lix neef oo geela, Iyo Soddon Adhiya indhuhu markay qabtaan waad fajaci darxumada iyo abaarta ka muuqata xoolihiisa , Qushigood, waxaa uu yidhaahdaa “maxaa iga galay maalinba neefka sii dhimanaya ayaan Birreyn oo hilibkiisa laba cisho ku qadeyn, ha madheen, Anigu waxaan Ciyaalka bariiska uga soo saari geedaha sii dhamaanaya oo aan dhuxusha uga shidi,” Deegaanka waxaa ku nool basaas, yuu u shaqeeyaa? Waa basaaska wasaarada deegaanka ee Kacaanka Axmed, wuu sheegaa maalinta uu ku dhaqaaqo inuu geed dhuxulaysto, xadhigbaa Xigga, Hanjabaada, dagaal iyo jidhdilka lagu hayaa cidanka waa caadadood, xorbuu noqdaa, cafisbaa loo fidiyaa, Xerrada geela iyo Adhigii madhe sidii maalinba mid u bakhtiyeysay, Isagu camal ma hayo, meesha waxaa jooga lix caruura oo uu dhaley ma yaqaan meel uu raashin uga keeno, waxbarasho iyo nolol kale hadalkeeda dhaaf inuu ciyaalkiisa u raadiyo wuxuu la dhibanyahay quudintoodii, waa baadiye shaxaad male, dadkii kalena xoolihii ka madhe ileyn kaligood roob ma helee, .

Maalin ayaa magaalada Kacaan waxaa ka yimid wiil uu dhaley nin Oddey ah oo Oodda la yaal Cigaal, islamarkaana waxbarasho u jooga xarunta kacaanka , abaarta iyo siigada dhaceysa wiilkii ka yaab, dhibaato , xoolo nool arki waa, xaalufka iyo biyo la’aanta ka murugoo, Wiilkii oo la yaaban nolasha ay ku noolyihiin reerkooda iyo xaafadaha la dariska ah waxaa ay sheeko wadaageen Odeygii Cigaal Sheekadiina sidan ayey u dhacday.

Wiilkii : Waa maxay Abaartu Adeer ?

Cigaal : Adeer saddex sano Roob ma di’in.

Wiilkii : dabadeedna?

Cigaal : Xoolihii iyo dadka intii maatida aheyd bakhtiye annaguna waxba kuma noolin.

Wiilkii : Oo waayo adeer miyaanay dawladu idin caawin sawta xoola dhaqatadu ah wax-soosaarka koowaad ee dalka?

Cigaal : Yaa yidhi

Wiilkii : dee Madaxda ayaa tidhaa Dugsigana waanu ku baranaa.

Cigaal : Weger Sheekooy ku Nacey

Wiilkii : Adeer miyaanay Madaxda iyo wasiiradu Idiin iman si ay xaaladiina u ogaadaan oo maalintii dhaweyd sawkii Axmed Lahaa waxaanu soo kormeeraynaa dhulka abaaruhu saameeyeen?

Cigaal : Adeer, Axmed Ma hogaamiyaha kacaanka waala sheegayay inay Laamida mareen laakiin Deegaanku ma arag, Beelaha Qudhac iyo Galool ayuu kula shirayey tuullada Diinqal ee Gobolka Jilba yare, waxaa la sheegayay inuu ciidan badan watay oo hareeraha Wadooyinta Tuman, dugsiyada waala soo saaray oo waxaa la yidhi hogaamiyihii kacaan ayaa waddada maraya ee hala soo baxo, ciyaalkaa sacabka u tumayay markuu halka marayay dabadeedna dhaaf iska laabey Xaaji Axmed.

Wiilkii : Imika maxaa xoola idiin jooga?

Cigaal : Adeer hadalkaad igu badiseeXerrada Midi Kuma Hadhin.

Wiilkii : Adeer Sawkan Axmed iyo Ubaxa kacaanku TV-yada habeen walba la taagan wax-qabadka miyaanu idin soo gaadhin?

Cigaal : Meeshan ma waxqabad-baad ku arkeysaa Adigu.

Wiilkii : Oo Adeer xafladahan Ubaxa kacaanka Sawtan la moodo in Mii’ iyo magaalaba Barwaaqo lagu jiro, miyeydaan ka mid aheyn shacabka Keynta.

Cigaal : Waa la yidhaa laakiin ma naqaan.

Wiilkii : Maalin dhaweyd oo aan dheerayn Sawtii Gabadhan Maqalka u fadhida Ubaxa Kacaanku Biyo Qaybinaysay, Miyaanay idin soo gaadhin?

Cigaal : Adeer gabadhaasi Naxariistii dumarkaa kusii jirtee, laakiin iyadana waxaa la sheegay inay qaab qabiileysan u Bixisay oo aanay xagayaga soo jaleecin Ileyn annagu waxaanu Nahay Reer SANJABE.

Wiilkii : Adeer biyahana ma qabyaalad ayaa lagu Qaybiyaa ?

Cigaal : Wiilkaagan yar ee hadalka badanle Annigu ma tagin goobtaas biyaha lagu qaybinyay balse waa la ii sheegay Inay qabyaaladi Jirtay.

Wiilkii : Imika maxaad yeelaysaan haddii abaaruhu sidan kusii socdaan ?

Cigaal : Adeer waxaanu yeeli Ubaxa kacaan ayaanu kasoo horjeedsan si indho gooniya ugu yeeshaan dhaqdhaqaaqyada tuulada ay deegaan reer SANJAB dabadeed bal waxuun hala soo gaadhsiiyo.

Wiilkii : Adeer yaa uga Warramaya Inaad kasoo horjeedaan Xisbiga Qabiil wadaag ee Xukuumada Ubaxa Kacaanka, mida kale miyey daan laheyn cid warka idinka qaada oo Hogaamiyaha ubaxa kacaanka u gudbisa Xaalada Abaaraha ee qalafsan eed ku jirtaan?

Cigaal : Adeer waxaa la wariyey ubaxa kacaan Dhago male, Indho male,garasho male, Waxtarkiisu waxaa uu ku koobanyahay Xarunta Xisbiga Qaabiil Wadaag ee caasimada u ah Xukuumada Ubaxa kacaanka.

  La soco……………

W/Q : Ilyas Abdi Ali

Facebook. Ilyas Abdi

Gmail : Ilyasdable1994@gmail.com

Hargeysa/Somaliland

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories