HomeU Kala Hiilinta XAQA iyo BAADILKA Golaha WAKIILLADA!

U Kala Hiilinta XAQA iyo BAADILKA Golaha WAKIILLADA!

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Maxamuud Cali Sh Maxamed (Walaaleeye).

Ummadaha Islaamku waxa waajib ku ah inay wax kastoo la soo gudboonaada ula laabtaan xalkeeda Kitaabka Alle iyo Sunnaha Rasuulkeenii Maxamed NNKH, qofkii meel kale ula baydha xalka ama horistaaga awaamiirta Diinteenu timaamtay, xaqiiqdii waa nin Iimaanku qooman yahay, cawaaqibkeedana maalin aanu u taaghayn waydiinteedu sugayso.

xaq_golaha_walaaleeyeMaalmahan waxa maqalka bulshada Somaliland guddo iyo dibed ku badnaa, xogo iyo macluumaad ay soo bandhigeen Guddiga Ilaalinta & Daba-galka Hantida Qaranka, ee Golaha Wakiilada, oo la xidhiidha nidaamyo khaldan oo loo adeegsaday hantidii ummada, ugana soo baxay xisaab-xidhkii Miisaaniyada Qaranka sannadkii 2016-kii.

Hadalka Guddiga oo bulshada dhexdeeda siyaalo kala duwan loo fasirtay, haddana, intooda badan way soo dhoweeyeen, una arkeen talaabo dhinacii wanaagsanaa loo qaaday, nasiibdarro, waxa saadaashaa iyo fursadaa wax badan ka qaadan lahayd horumarka dhinac walba ee shacabka Somaliland ku gaadho, lagu hortaagay talaabo weli xaqiiqadeedii rasmiga ahayd kollay annigu aanan caddeyn karin weli galabta lagu sheegay in Gud Wakiilada Md Baashe M Faarax xilkii kaga qaaday Gudoomiyahii Guddiga Ilaalinta Xildhibaan Naaasir Cali Shire.

Isweydiintu waxay tahay, maxaa keenay xilka-qaadistan, sharciyan ma dow-baa, yaa ku khasaaraya, ama wax-ku-waayaya joojinta hawshii baadhitaanka khaladaadkii iyo ku tagri-falkii hantida ummada ee soo baxay, waa maxay xalku?

Haddanu, jawaabo kooban ka bixino, sababta keentay xilka-qaadista Xildh Naasir Cali waa warbixintii Guddiga Ilaalinta & Daba-galka Hantida Qaranku soo bandhigeen, oo sidaan qabo jiritaankeeda iyo jiritaan-la’aanteedu soo kala bixi lahayd marka hay’adaha sharciga loo gudbiyo, balse intaan halkaa la isla gaadhin, in dhexda lagu saqiiriyo, waxaan qabaa inaanay Diiniyan, Caqliyan iyo Sharciyan midna ku munaasib ahayn.

Shirgudoonka Golaha Wakiilada, ama Gudoomiyahooda la sheegay inuu soo saaray qoraalkan xil-ka-qaadista, waxaan qabaa inuu fulinayo danno gaar ahaaneed, oo cid gaar ahaaneed la wadaagtay, ama si kale hadii loo dhigo, waa talaabo uu kaga abaal celinayey fursadii shalay loogu galay  isaga iyo Shirgudoonkii hore ee (Md Cabdiraxnaam Cirro) hogaaminayey laga dambabaso baadhitaano Musuqmaasuq oo Guddiga Ilaalinta & Daba-galka Hantida Qaranku ugu soo jeediyeen inay ka sameeyeen miisaaniyadii Golaha Wakiilada, balse, halkii bulshadu ka filaysay in sharcigu shaqeeyo, sifo baalmarsan loo maareeyey, isla markaana xilkiisii uu ku waayey Gudoomiyahii hore Guddigu Xildhibaan Maxamed Cali, nasiibdaranna bulshadii xilka u dhiibatay Golaha Wakiiladu ku guuldaraysatay inay u kala garsooraan labada ka Xaqa ah iyo ka Baahidlka wada.

Marka la is-dultaago sharcinimmada xilka-qaadista, wallow xeer-hoosaadka Wakiiladu awood u siinayo Shirgudoonka bedelaada iyo isku shaandheynta Guddiyada Wakiilada, haddana taasi ma sharciyeynayso, caqliguna wuu diidayaa in qof soo bandhigay khaladaad iyo lunsi hanti ummadeed, halkii ka sal-gaadhideeda loo deyn lahaa hay’adaha u xilsaaran, dhexda loo joogsado, isla markaana sifo khaldan iyo danno khaldan loo dambabaso.

Arrin kastoo ka dhexdhaca dhaca dawladnimmada, cid keliya ayaa faa’iido iyo khasaare ka uu keeno dhaxalkeeda yeelata,  waa SHACABKA. Halkan hadii hantidoodu la badbaadiyo kuwa ay anfacayso waa iyaga, dhinaca kalena, hadii hantidooda lagu tagrifalo kuwa ay dhitadeeda maalaya waa iyaga, haddaba, labada jeerba hadii ay yihiin shacabka kuwa eersanaya, ma u siman yihiin wanaaga iyo xumaantu?

Gabay ayey tudcahiisa ku jireen “Guushaada Waa Laga Jiraa, Gaar haka Ahaanin! Halkan cidda ay weedhaha gabyaagu ku socdaan waa BULSHADA Somaliland ama bulsho kastoo abuuratay hanaan dawladnimmo u adeega, una horseeda horumarka ay hiigsanayaan. Waxa loo baahan ama waajib ku ah bulshaada Somaliland inaanay daawadeyaal ka ahaanin hilinka loo marayo gaadhitaanka hadafkooda iyo hawlaha ay qabanayaan hadba inta ay uwakiisheen, balse ku dul-ilaaliyaan, isla markaana u kala garsooraan, khilaaf kastoo yimaada, ilayn waxa xaqiiq ah in labada dhinac midkood khaldan yahay, halka ka kalena hadafkoodii ku taagan yahay.

Qof kastoo islaam ah waxa waajib ku ah inuu xaqa u hiiliyo, waxii xumaan ahna diido, ama u istaago suulinteeda, taasoo haduu gabbo xilkaa maalin dambe la weydiin doono, halkana, waxaan qabaa in dhinacyada is-haya Shirgudoonka Wakiilada & Gudoomiyaha Guddiga Ilaalinta & Daba-galka Hantida Qaranka, midkood khaldan yahay, loona baahan yahay guud ahaan bulshada Somaliland, iyo dhamaan qeybha bulshada, hadday tahay Culimadeeda Diinta, Aqoonyahankeeda, rag iyo dumar inuu kaalinta kaga began u istaago, laakiin, haduu ka gaabiyo Walaahi waa xaqiiq in maalin markhaatigeeda la weydiin doono?

Waxaan kaga baxayaa, Waxa la yidhi Waayeel Waa Ayo-Waa Innaga Haddaynaan is-yeelyeelayn, qof kastoo bulshada ha mid ah isagaa miqyaaskiisa isu-haya, hadii caqligiisu siiyo kaalin baad ku leeedahay iyo hadii kalena lagu eegi, laakiin, waxaan si gaar ah ugula dardaarmayaa Xildhibaanada golaha Wakiilada, ee shalay Kitaabka Alle lagu dhaariyey inay waajibaadka kaga beegan ka gutaan, XAQA iyo BAADILKA taagana u kala hiiliyaan, oo dantooda aduun iyo aakhiro ku jirto, Madaxweynaha JSL Md Muuse Biixi Cabdi iyo qof kastoo ummada xilkeeda hayana kaalinta kaga beegan ka qaato. Ilaahay dariiqa XAQA ha inna waafajiyo dhamaanteen aduun iyo Aakhiraba-Aamiin.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories