HomeU kala Dhuumashada Xamar Iyo Dhaawaca Gaadhay Qadiyadi Gooni Isutaaga Somaliland –...

U kala Dhuumashada Xamar Iyo Dhaawaca Gaadhay Qadiyadi Gooni Isutaaga Somaliland – W/Q: Mohamed Jaama Iimaan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Wax Sahlan maaha ama la dheyelsan karo in qof u tartamay inuu madax ka noqdo dalkan halganka ugu jira ka mid noqoshada wadamada  dunida ee la aqoonsanyahay,   inuu marka uu ku guuleysan waayo hadafkiisa uu aayar iska tago muqdisho una doonto jago ku liddi ah tii uu markii  hore halkan ka doonayay.

Waxa yaab igu noqotay markaan arkay intaasoo shaqsi oo guddoomiyayaashii  ururadii hadhay ahaa oo intay ololihii isu diyaarinta ku guuleysiga wareega koowaad ku jireen mid kastaaba ku cel-celin jiray,,  AHMIYADAYADA KOOWAAD WAA SIDII DUNIDA LOOGA DHAADHICIN LAHAA AQOONSIGA SOMALILAND,, oo markii aysoo bixi waayeen ay dhababacadii ka soo jeesteen  meel looga diyaar garoobayo dagaal la yidhaa  fashilinta mabda’a la soo noqoshada madaxbanaanida Somalailand,, waxa yaab labaad igu noqoneysa sida arrimahan  iyaga ah aan cidiba Dawlad iyo dadweyne badani uga hadleyn  e sida caaga loo daawanayo waxa socda,,, nin baa laga hayay  “ Am I mad or they are singing from Aden”  ma anaa waalan mise Cadan baa laga heesayaa, ,, waxan ku keenay , ma anaa si kale wax issu key tuseen mise umadanaa wax ka si yihiin!!!.

 Ninkii Xamar tagaa wuxuu ku odhanayaa sawkii Madaxweynuhu baabiyey qodobkii xaarantinimeynayay in Dawlada Muqdisho Siyaasadeeda laga qeyb geli karo.waa run taasi,sababtoo ah wax sidaa u eg ayay Dawladenan imaka joogtaa baneysan.  waxa intaa dheer cadaalad darada ay ka tirsanayaan dawlada oo ninba meel ka ridday.

Bishii June e snadkan ayay ahayd markii madaxweynuhu codsaday in la laalo Qodobkii mamnuucayay in shirarka Dawlada Somalia loo qabto ay Dawlada Somaliland ka qayb-gasho..,, laga soo bilaabo maalintaa illaa hadda Dawladda waxaad mooddaa inay dadka fartay fidinta fikirka federal-ku inuu munaasib yahay, waxaa taa kuu cadeyn kara markii qudhee ay ka hadashy wuxuu aha markii todobaadkii hore uu Wasiirka Kalluumeysigu ka hadlay, Fawsiya yusuf H.Adan iyo xilka loo magacaabay e Wasiirka A/dibedda Somalia, isagoo wax iska caadiya ka soo qaaday, mar qudhana aan raacin haday gabadhaasi caddaalad darro tirsatay may ahayn inay Muqdisho xil u doonato e inay siyaalo kale oo taa ahayn inay yeeshaa habooneyd. Dawladeenii isku wadar illaa Madaxweynaha waxaad mooddaa inay kaba baqanayaan inay dadkeeda ka boorido xil u doonahsada xamar inay dembiile qaran tahay.

Waxaa iyana in la dhaliilo mudan Gudoomiye ku xigeen ka Xisbiga UCID  mujaahid Ali m.Yusuf,Ali-guray oo isna bishan 9-keedii mar uu hadlay yidhi Fawsiyi markay xilkan loo magacaabay ka degto sidii SIFIR ayay Hargeisa iska iman,,, Salli Calaa Nebi (scw) sawdigan mujaahid u hadlay sidii siyaasiyiintii markay hadlayaan runta inay qarxiyaan ka baqan jiray iyagoo wuxuun rajeynaya darted,maxaad ka rajeyn waa lagu karaamo beeley meesha’e. a

Murti baa ahayd,  Haddaad Xoolo dooni Xamaro agjoog, hadaad Xilo dooni Xamaro ag joog,hadaad Xarago dooni Xamaro agjoog,,, waxay noqonaysaa, Hadaad Aqoonsi dooni Somaliland-nimadaada ku dheganaw, Hadaad Federal dooni Somaliland-nimadaada ku gor-gortan,hadaad xil dooni iimaanso wadankaaga, ama u go sida raga qaar ay dhab ka tahayFederalku,.o hanagu soo noqnoqon.

Waxaan kaloo ka yaabayaa  haddii sidan wax sii ahaadaan in sida ninba mar ugu dhuumanayo xamar aynu maalin dhawna maqallo wasiirkii A/dibeda e S/Land ayaa Xamar tegey oo loo magacaabay wax la yidhaa  wasiirka walaaleynta Gobolada waqooyi iyo dawlada somaliya.

Xamar dad baa leh adiguna xisaabta uguma jirtid maxaa ku waalay, anigu xamar baan ku dhashay , Digfer Hospital, hadana anigoo necbayn walaalaheenaa aynu jaarka nahay, waxaan aaminsanahay in dawladu  Qodobkii la laalay la soo celiyo ama inta wadahadaladaa Somaliya inoo billawday socdaan wixii doonaa aakhirka ha ka soo bexeene ay si cad dawladdu uga hadasho waxna uga qabato dadkan sii yaacaya soo yaacaya e siday doonaan inaga yeelay,,,ninbaa Salaaadduu tukanayay sarajoogii isagoo ku jira Attaxiyaadkii Akhriyay, kolkaasaa nin ka ag dhowaa kor umaqashiiyay oo yidhi,waar maxaad la fadhiisan sawtan aad taagni ku Attixiyaat-satay….

 

Wabillaahi Tawfiiq. Mohamed Jaama Iimaan:  e-mail,

mmj114@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories