HomeU diyaargarawga Ciidda ee Suuqyada Hargeysa Iyo Ciidamada Booliska oo Ammaanka Adkeeyay.

U diyaargarawga Ciidda ee Suuqyada Hargeysa Iyo Ciidamada Booliska oo Ammaanka Adkeeyay.

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa(SLpost)-Ciidda Carafo oo ku began maalinta berri ah ayaa si weyn looga dareemayaa suuqyada caasimadda Somaliland ee Hargeysa. Dad aad u tiro badan ayaa ka dukaamaysanaya badiba meelaha lagu iibiyo dharka caruurta iyo dadka waaweynba, kuwaas oo aad wajiyadooda ka arkayso farxadda ciidda iyo yididiiladeeda.

Walaw ay dadka badankoodu sooman yihiin maalinta sagaaloodka haddana dadku waxa ay u dhooban yihiin sidii ay maalmihii hore ahaayeen si aad uga badan. Bacadlayaasha ayaa ah meelaha sida xoogan loogu xoonsan yahay ee kala iibsiga dharka iyo kabuhu ka socdo, Alaabaha caruurta loogu qurxiyo, sharabaadada, garamaanta yar yar iyo qalabka ay ku ciyaaraan ayaad arkaysaa iyaga oo lagu iibinayo kaaryoonayaal dumar iyo dhalinyari iibinayaan.bacad1bacad2

Dhalinyarada ragga ah ayaa ciiddan aad u iibsanaya macawista,  khamiiska (Shulugga), go’a shaalka ah iyo kabaha sandalka ah oo ay badiyaaba ciidaha ku ciiddaan, waxa aad ka dareemi kartaa marka loo soo dareero salaadda ciidda.

bacad5bacad4

Ciidamada amaanka ayaa xoog uga shaqaynaya amniga iyo xasiloonida shicibka adeeganaya iyo muwaadiniinta laga adeeganayaba. Gawaadhida booliska iyo askarta ayaad ku arkaysaa afaafyada laga galo bacadlayaasha iyo suuqyada kaleba. Taliyayaasha Booliska oo uu hogaaminayo Sareeye guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa kormeer ku soo mara sida ay boolisku shaqadooda u gudanayaan. Dadweynaha ayaa iyaguna si fiican oo shucuur leh u soo dhaweeyay sida waddaniyaddu ku dheehan tahay ee ay ciidamada amaanku u ilaalinayaan, iyaga oo aan ka baqayn tuugta oo suuqyada aad looga baqi jiray.

Wadooyinka bacadlayaasha hor mara wakhtigan way ku adag tahay in ay baabuurtu u maraan si waafi ah, dadka ayaa si saa’id ah u maraya, liidadka labada haad u dhexeeyana waxa ku ganacsanaya ganacsadayaal yar yar oo iibinaya qalabka caruurtu ku ciyaaraan iyo kuwa lagu qurxiyo.

bacad3

Sayladda xoolaha ayaa iyaduna aad iyo aad u saxmad badan, maadaama Ciidda carafo ay tahay ciiddii gawraca, Waxa ay indhahaagu qabanayaan muwaadiniinta oo aad ugu xoonsan kala iibsiga adhiga udxada.saylad1

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories