HomeU BANEEYA, SUCAAD GABAYDO, HA BURAANBURTEE BAL!!!

U BANEEYA, SUCAAD GABAYDO, HA BURAANBURTEE BAL!!!

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

“Naayaadhaheen, Sacabka tuma la idin sii qaadye!!!)

-Naa ha na habaarin farihiibaa na casaaday’e

Dumarku ma dhegaystaan Hadalka Fagaaraha ay siyaasiyiintu ka jeediyaan ee sacabka ayuun bay garaacaan, Mashxaradanna way kaga salawaadiyaan. Bal haddaa u fiirsada wuxu nin kaasi ku hadlayo iyo waxa ay haweenku samaynayaan.

– Allaahu Akbar, Allaahu Akbar, Somaalilaan Hanoolaato. Ha jirto, Ha joogto. Gooni isu taaguna waa muqaddas.Maanta xaalada waddanku halka ay marayso waad aragtaan. Qaraabo kiilka, eexda, kaadida, iyo xaarka ayaynu la noolahay!!!)

“Deednna dumarkiibaa odhanaya sidan:

*Sacabka, ololog, ililig, waa geesigii aan godob lahayn, waa geesigii aan godob lahayn.Naa sacabka u tumma dee faruhu idinma go’aane! Bisinkee

-Haamihii shidaalka, wershaddii sibidhka, xadhkihii laydhka

iyo xero-jaadiiba habarjeclo ayaa ka iibisay imaaraadka carabta, xogtaasna cadaymaheeda haddii layga baahdo waan soo bandhigayaa!!!)

* Waa geesigii, aan godob lahaynn, waa geesigii aan godob lahaynn. Wallee,kani waa xalaal cun Sahara Giiraay?

” Maxaad tidhi Habaryarooy?

– Habo, nin kani waa daacad walee,wuu u qalmaa in loo codeeyyo.

-Waa mutacalin,jiitay oo waliba afarta luuqadood ee adduunka ugu sareeya lagu afgartana wuu laabay! Habaryarooy, ee dhegayso hadalkiisa!

” Been ku hadlimaayo oo ilaahaybaa sidaa igaga sareeya dumaroow’e

Keensheliyadii, googaradihii, iyo nigis yadii aydun xidhan jirteen cashuur Saa’ida ayay xukuumaddan fadhiidka ihi ku soo rogtay, walaahi iyo billaahi iyo tolaahi waa runtay idinkuna waydun arki doontaan.

– Bisinka, bisinka, oo markaa xukuumadu maa in aanu qaawanaanno ayay rabtaa maantaa la ba’ay!!!)

– Taasi miyaanay Sahara Giire ahayn, gambada cas madaxa ku xidhani?

” Waar waa iyadiiye, Caliyoow, habrowadaag bal ii waran wuu ku garanaayaba ismaan lahayne?

– Sahara naa walaalo, dirqi iyo tu xun baan kugu gartay, maxaa ku helay sawdigan qalalay sidii qori xaabo ah?

“Dee saw lama waynaann caliyoow?

– Habrowadaag xiitaa ilkahaagii quruxda badnaa sawkuwan kaa daatay, mee hilibkaagii? Mee joofkaagii iyo jinigaagii walaalo?

“Waar iska bukaan baan noqdaye, oo dhiikar, gaasteri iyo macaanba marbaan wada yeeshaye, adiga maxaa ku soo kadeeday maad England-taadii iska joogtid?

U baneeya, U baneeya Sucaad_Gabaydo ayaa timide, buraanbur keedii yaraa musharaxeena ha uga dhagsiisee!

Bisinkaann ku bilaabayaa buruudkiisee

Shaydaankaan buufinayaa fidmadiisee

Beesheenaann tilmaamayaa burjigeedee

Bilcan dumareey bud-dhigayga bal dhegaysta.

Cali baariyoow iska badhaqsanoow

Baqarad beer ku cayishay la moodyoow.

– Aabbo ma fiicantiin?

– Haa aabbo waa nabad.

– Hooyadiin maanta miyay maqantay?

– Aabbo meeshaa xisbiga lagu casuumay ayay hooyo soo daawanaysaa.

– Samiiraay?

– Hee Aabbo?

-U tagg oo hooyadaa u yeedh, oo aabbo ayaa ku doonaya ee kaalay naqadaysii ku dheh

– Haye Aabbo

– Big sii dhe, oo big soo dheh Aabbo?

– Umooy, Ummo, ee yaa hooyo?

– Naa hoow?

– Aabbo ayaa kuu yeedhaya! Oo xanaaqsan!

– Danihiisa ayuu u xanaaqsanyay, Aabbahaa ma isagaa na abuurtay, waa yeelkadiisa

– Hooyo inag keen meeshan, iskaga kaalay oo aabbo qadada sii wuu soo daalee!

– Sug, buraanburkaa Sucaad Gabaydo aan dhamayastee! Waynu tegaynaaye hooyo.

W/Q: Yusuf Xusni Suldaanguuleed.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories