HomeTUUGGII AAN LACAGTA SIIYEY!

TUUGGII AAN LACAGTA SIIYEY!

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

In qof lacag la siiyo ma aha wax xiiso leh, in la sheegana muhiim ma aha, balse midda aan rabo inaan idinla wadaago ayaa ah sheeko u dhacday sidan:-

Ugu yaraan 5 maalmood ka hor ayaa aniga iyo nin aan saaxiib nahay waxa aan ka soo kacnay meherad shaaha laga cabbo. Waxaan soo marnay waddo ciriiri ah oo dad badan ay marayeen. Markii aan ciriiriga ka soo baxnay ayaan dareemay in teleefooyinkii gacanta (Mobile) Aanan wadan oo jeebkeyga la gala baxay.

Saaxiibkii ila socday ayaan u sheegay in teleefoonkii leyga jeeb-siibay. Waxaan ku soo wada laabannay meheraddii aan ka kacnay si aan u hubinno inaan halkaas uga tagay. Waan ka weynnay, haddii aan lambarkeygii wacayna waaba dansan yahay.

Inankii ila socday ee saaxiibkey ahaa ayaa ii sheegay in markii aan ciriiriga mareynnay uu arkay nin uu ka shakiyey, kaasna uu filayo inuu teleefoonka kala baxay jeebkeyga. Waxaan weydiiyey inuu waji-garanayo, wuxuuna iigu war-celiyey, inuu garanayo haddii uu arko.

Waddadii ayaan ku soo laabannay, annagoo u soconna masaajidka oo salaadda makhrib markaas lagu jiro, teleefoonkana rajo kama qabno. Markii aan ilaa 150 talaabo soo qaadnay oo aan ka sheekeysaneynno sidii ay wax u dhaceen ayaa mar qura inankii ila socday waxa uu yiri ” Waakan ninkii teleefoonka xaday” Waan ku orodnay waxaanna qabannay ninkii tuugga ahaa, anaga oo aanan hubin.

Aniga waxa aan baarid ku bilaabay jeebabkiisa, waxaana u sheegnay inaanan sinna u sii deyn doonin haddii uusan teleefoonkii meel ku sheegin. Xoogaa ayuu is adkeeyey oo sheegay inuusan teleefoon naga qaadan oo uu meesha iska marayey, balse aniga iyo saaxiibkey laba arrimood ayaa kalsoonni na geliyey oo kala ahaa:-

1-In saaxiibkey uu hubo in ninkaan tuugga ah uu aniga i bar-bar socday markii teleefoonka leyga jeeb-siibayey.

2-In ninka annaga oo gacmaha hayna uusan is leexineyn oo ay habbiso saaran tahay, taasoo qof aan wax isku ogeyn aan suuragal ka noqoteen.

Haddii aan cabbaar hadalka isku cel-celineynnay oo isna uu is adkeynayo, gacantana aan ku haynno, ayaan u sheegnay inaanan sii deyneyn oo aan baaritaan adag ku sameyn doonno dadkuna uu ku hor fashilmi doono haddii uusan sheegin halka uu teleefoonka geeyey. Waxaa intaas dheeraa, saaxiibkey oo u sheegay haddii uu teleefoonka soo celiyo inaanan ceebeyn doonin, weliba xoogaa shaah ahna aan siin doonno.

Tuuggii waa aqbalay, wuxuuna meel aan la fili karin ka soo saaray teleefoonkeygii, gacanta ayuunna iga saaray, nasiib-wanaag.

Markii aan hubsaday inaan teleefoonkeygii gacanta ku haysto, nasiibkeygana aan ku helay, ayaan lacag uu ku casheeyo intaan jeebka uga soo saaray farta ka saaray, waxaanna kula dar-daarannay inuu

iska daayo dhaqankan tuugnimada ah, haddii uu maanta nasiibkiis ku baxsadayna uusan mar walba nasiibku kaalmeyn doonin ee la qaban doono, mudankiisana la marin doono, waayo cagtii joogsan weyda mar bey ceeb la kulantaa.

Saddex arrimood ayaa keenay inaan tuuggaas iska sii daayo lacagna ugu daro:-

1-Inaan markii hore ka samray teleefoonka oo Illaahay uu nasiibkeyga iigu soo celiyey.

2-In haddii aan fashilno oo dadku ogaadaan uu naftiisaba waayi karo, taasoo haddii ay dhici lahayd wel-wel iyo walbahaar aan ku dhammeysan lahaa inta nolosha iiga dhimman ee aan miyir qabo.

3-In wanaagga aan u sammeeyey uu sabab u noqon karo inuu iska daayo tuuganimada, waanna rajeynayaa in taas ay dhacdo.

Ugu dambeyntii, waxaan Illaahay uga baryayaa inuu soo hanuuniyo, dhammaanteenna na hagaajiyo.

Maxamed nuur Shire

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories