Home“Tusaale ha Innoogu Filaato Hab Dhaqanka Hoggaamintii Kulmiye oo ku Suntan Mid...

“Tusaale ha Innoogu Filaato Hab Dhaqanka Hoggaamintii Kulmiye oo ku Suntan Mid Qabyaaladeed inuu Dalkii Furfuray Qaranimadiina Cidhiidhi Caliyey,” Cabdirashiid Xasan Mataan

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

 

Musharaxa madaxweyne xigeenka ee xisibaga UCID Mudane Cabdirashiid Xasan Mataan ayaa ka hadlay kanna dayriyey xaaladda qabyaaladeed ee dalku marayo, isaga oo ku eedeeyay in ay dawladda xisbiga Kulmiye ay kaw ka tahay oo ay abuurtay qabyaaladdan meesha xun maraysa.

 

Waxa hadalada Mudane Mataan oo qoraal ahaan ahi ay u dhigan yihiin Sidan:

 

Natiijooyinka qaranimadii lagu wareejiyey xisbigii kulmiye ee uu hoggaaminayey Mudane Siilaanyo, shan sano ka dib markii dooroshooyinku soo foodsaareen, ololohoodii wuxu noqday mid qabyaaladaysan oo aan lala xishooneyn lagana yaabo in dhaxalkeedu noqdo in xisbinimadii lagu beddelayo beelo mid waliba yeelato musharax.

 

Maqabo foolxumo ka wayni in ay jirto in musharax raba in uu maaxadwayne u noqdo ummad dhan haddana uu si faashil ah maalin walba casuumado reeraysan taageero lagaga raadiyo. Hantigii ummaddana lagu burburinayo.

 

Tusaale ha inoogu filaato hab dhaqanka hoggaamintii kulmiye oo ku suntan mid qabyaaladeed inuu dalkii furfuray qaranimadiina cidhiidhi galiyey.

 

Kalsoonidarrada ku dhacaday beelaha bariga iyo galbeedka waxa ka sii daran foolxumada qabyaaladeed ee ka dhex aloosan beesha dhexe. Loolanka kulmiye ka dhex socdaana hoggaan kasta oo uu soo saaro ma noqon doono hogaan qaranimo laga filan karo.

 

Walow aanan kalsooni badan ku qabin in hanaanka maamul ee jiraa ina gaadhsiin karo doorasho, haddana haddii ay dhacdo oo mar kale hogaamiye qabiil ku yimaadda la doorto waxaan shaki ku jirin in aynu ka sii foolxumaan doono halka aynu maanta marayno.

 

Waxaynu gaadhnay waqtigii loo fakari lahaa mustaqbal, waxaana hubaal ah in aanu madaxwayne qabiil dabada geliyaa keeni doonin hoggaan ummada anfaca ee uu noqon doono mid beesha iyo xulafaysi u adeega.

 

Waxan soo dhawaynayaa dhalinyadii isxilqaantay ee wadda ka hortagga qabyaaladda. Badbaadada SL waxay ku jirtaa in dhalinyaradu meel uga soo wada jeestaan in aan qabyaaladi caddaalad keeni karin ee looga gudbo qarannimo.

 

Waxaan kusoo dhawaynayaa dhammaan dhalinyarada jecel in qarankani hanaqaado, dhalinyarada aaminsan in aan qabyaaladi qaran samayn karin, aaminsan in taladu dhalinyaro gacanta u gasho si aynu u badbaadino wadajirka shacabka SL in ay soo galaan xisbiga UCID taageeraanna musharaxnimada Jamal &Cabdirashid oo an haba yaraatee reernimo ku iman oo aan aaminsanahay in ay hormood ka noqon doonaan hoggaanka SL ka beddeli lahaa siyaasadda qabyaaladaysan ee madhalayska ah ee in yari ku macaashto.

 

Musharax Cabdirashiid Xasan Mataan

Xigasho: Ramaasnews

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories