HomeTURKIGA: Weerarada Ruushku ka Geysanayo Waddanka Syria waa kuwo aan la Aqbali...

TURKIGA: Weerarada Ruushku ka Geysanayo Waddanka Syria waa kuwo aan la Aqbali karin

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Madaxweynaha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in weerarrada uu Ruushku ka geysanayo dalka Suuriya ay yihiin kuwo aan la aqbali karin, isagoo xusay in Ruushku uu khaladaad badan ka geystay gudaha Suuriya.

Diyaaradaha dagaalka waddanka Ruushka ayaa maalmihii u dambeeyay weerarro cirka ah ka geysanayay gudaha dalka Suuriya, iyagoo duqeeyay in ka badan 10-xarun oo ay dalkaas ku lahaayeen xoogagga kooxda Daacish ama ISIS.

“Tallaabooyinka Ruushka uu kaga geysanayo dalka Suuriya weerarrada cirka ah waa kuwo aanu Turkigu sinnaba ku aqbali karin… Nasiib-darro Ruushku wuxuu galayaa khaladaad waaweyn,” ayuu yiri Madaxweynaha Turkiga Erdogan oo shir jaraa’id maanta ku qabtay dalka Faransiiska oo uu booqasho ku marayo.

Sidoo kale, madaxweynaha Turkiga ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay in marka la eego xidhiidhka saaxiibnimo ee u dhexeeya Turkiga iyo Ruushka; haddana waxaan si aad ah uga naxsannahay weerarrada uu ka geysanayo Suuriya, isagoo uga digay Ruushka in aan laga go’doomin gobolka oo dhan.

Waddamada Ruushka iyo Turkiga ayaa muddo dheer si isku mid ah walaac xooggan uga qaybay colaadda ka jirta Suuriya. Iyadoo Ruushku uu go’aansaday inuu dhanka ciidamada ka taageero madaxweyne Bishaar Al-Assad, halka Turkiga ay Ruushka uga digeen in xalka aanu ku raadin colaad.

Erdogan ayaa hadalkiisa raaciyay in Ruushka oo keliya uusan ahay kuwa gacanta siinaya Madaxweyne Al-Assad, balse Iiraan ay iyaduna gacanta kula jirto colaada dalka Suuriya ka taagan, isagoo uga digay inay dhibaatada dalkaas aan lasii kordhin.

Dhanka kale, Xukuumadda Ruushka ayaa iyaduna dhankeeda sheegtay in weerarradeed ay ka geysanayso Suuriya ay ku bartilmaameedsanayso oo keliya Kooxda Islaamiga ah ee IS, balse ayna jirin meelo kale oo ay doonayso inay weerarro ka fuliso.

Ugu dambeyn, waddamada reer galbeedka iyo Turkiga ayaa waxay hadal ay soo saareen ku xusay in diyaaradaha dagaalka wadanka Ruushku uu duqeeyay xarumo ay ku suganaayeen xoogagga dagaalka kula jira Xukuumadda Bishaar Al-Assad.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories