HomeTurkiga Oo Xayiraad Ku Soo Rogay Barta Wikipedia

Turkiga Oo Xayiraad Ku Soo Rogay Barta Wikipedia

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

(SL.Post) Mas’uuliyiinta Turkiga ayaa xayiraad dalka oo dhan ah waxa ay ku soo rogeen barta internetka ee Wikipedia oo ah mid ka mid ah website-yada ugu caansan dunida.

Ma ay cadda sababta xayiraadda loogu soo rogay bartaasi.

Kooxda loo yaqaan Turkey Blocks ayaa sheegtay in isticmaalka bartaasi lagu joojiyay amar ka soo baxay mas’uuliyiinta Turkiga.

Dadka ku nool magaalada Istanbul ayaanay u suuragelin inay daalacdaan bogga Wikipedia haddii aanay isticmaalin barnaamijka loo yaqaan Virtual Private Network (VPN).

“Kaddib falanqeyn iyo tixgelin dhanka sharciga ah oo ku salka ku haysa qodobka Nr. 5651, ayaa waxaa tallaabo laga qaaday bartan internetka ah.” waxa sidaasi laga soo xigtay Hay’adda Warfaafinta iyo Isgaadhsiinta Tiknolojiyadda ee Turkiga.

Wax sabab ah lama sheegin.

Kooxda Turkey Blocks iyo warbaahinta Turkiga oo uu ka mid yahay wargeyska maalinlaha ah ee Hurriyet Daily News, ayaa sheegay in amarkan ku meelgaarka ah uu maalmaha soo socdo u baahan yahay in lagu xoojiyo xukun maxkamadeed oo dhamaystiran.

Markii amarka xayiraadda uu soo baxay ayaa waxa buuq laga dareemay baraha ay bulshadu kuwada xidhiirdho, iyadoo qaar ka mid ah dadka barahaasi isticmaalana ay isladhexmarayeen in ay suuragal tahay in arrintan la doonayo in lagu caburiyo dhaleecaynta ku daabacan bogga Wikipedia uu uga hadlo Madaxweyne, Recep Tayyip Erdogan.

Turkiga ayaa hore si ku meelgaadh ah u xayiray baraha bulshada ay kuwada xidhiidho ee caanka ah ee ay ka midka yihiin Facebook iyo Twitter, gaar ahaan markii ay jiraan dibadbaxyo waa wayn ama weerraro argagixiso.

Dowladda ayaa hore u diidday inay faafreebto internetka, waxa ayna eedda kala go’a isticmaalka internetka dusha uga tuurtay koronto la’aan kaddib dhacdooyinka waa weyn.

Somalilandpost.net

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories