HomeTurkiga oo Somaliland ku maslaxaya sii ambaqaadka wada-hadalladii fashilmay ee u socday...

Turkiga oo Somaliland ku maslaxaya sii ambaqaadka wada-hadalladii fashilmay ee u socday Soomaaliya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Dawladda Turkiga, ayaa Wefti u soo dirtay Somaliland ku maslaxa sii ambaqaadka wada-hadalladii fashilmay ee u socday Soomaaliya, iyadoo Turkigu marti-geliyey lixdii wareeg ee ugu dambeeyey wada-hadallada labada dhinac oo kii u dambeeyey bishii March ee sannadkan 2015-ka ku fashilmay magaalada Istanbul ee Turkiga.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ay weheliyeen Wasiirro Xukuumaddiisa ka tirsani, ayaa kulan gaar ah la yeeshay Wefti uu hoggaaminayo Safiirka dawladda Turkiga ee Soomaaliya  Danjire Olgan Bekar oo shalay booqasho ku yimi Caasimadda Hargeysa, waxaanay labada dhinac isla qorsheeyeen arrimo kala duwan, sida ay Masuuliyiintu sheegeen markii laga soo baxay kulankaas oo albaabbadu u xidhnaayeen intii uu socday.

DSC_0090Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Safiirka dawladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Olgan Bekar, ayaa markii kulankaasi dhammaaday si wada-jir ah Saxaafadda ugula hadlay xarunta Madaxtooyada ee magaalada Hargeysa. “Wefti Turkiga ka socda  oo uu hoggaaminayo Safiirka Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa halkan noogu yimi, waxay u socdeen inay arrimaha wadahadallada wax innaga weydiiyaan.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Xirsi.

Wasiir Xirsi oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaas ku daray oo yidhi; “Arrimihii wadahadallada waynagii meel ay dhaafi weyday aynu ku soo xidhnay oo ahayd Soomaaliya inaanay dad Somaliland ah soo kaxaysan ee ay dad reer Soomaaliya ahi yimaaddaan haddii ay wadahadallada doonayso. Arrintii noocaas ahayd, halkii uunbay Somaliland ka taagan tahay, wax is-beddel ahi ma jiraan, Tukriguna wuxuu innoo Sahlayey inuu Miiska innoo diyaariyo, waanay ku mahadsan yihiin wixii ay innala soo mareen. Laakiin-se iyagu wax gaar ah oo ay ka wataan ma leh ee waxay danaynayaan wadahadal la wadahadlo oo qolo-waliba la timaaddo taladeeda iyo aragtideeda.”

Sidoo kale, Safiirka dawladda Turkiga u qaabilsan Soomaalida Olgan Bekar, ayaa isaguna dhankiisa Saxaafadda uga warramay waxyaabaha ay Madaxweynaha Somaliland ka wadahadleen, waxaanu yidhi; “Maanta (shalay) waxaannu Madaxweynaha la qaadannay kulammo midho-dhal ah, waxaannu ka wada-xaajoonnay Iskaashiga laba geesoodka ah ee aannu leenahay iyo wadahadallada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya. Immikana waxaannu diyaar u nahay inaannu sii amba-qaadno wadahadallada, annagoo xisaabta ku darsanayna tixgelinta labada dhinac ee Somaliland iyo Soomaaliya. Insha Allaah, waxaannu ku rejo-weynahay inaannu sii wadno wada-xaajoodka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya.”

“Waxa kale oo aannu ka-wada-xaajoonnay iskaashiga laba-geesoodka ah ee noo dhexeeya Somaliland, waxaannu wada-yeelannay qorsheyaal mustaqbalka ah, annagoo ay naga go’an tahay inaannu sii horumarinno xidhiidhkayaga Somaliland oo ah xuddunta goobahayaga Taariikhiga ah, waxaannu u baahannahay inaannu kordhinno joogitaankagaya Somaliland.” sidaa ayuu yidhi Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Ambassador Olgan Bekar.

Inkasta oo ay dawladda Turkigu labadii sannadood iyo badhkii ugu dambeeyey marti-gelinaysay wadahadallada u socday Somaliland iyo Soomaaliya oo lixdii wareeg ee ugu dambeeyey Shirarka wadahadalka lagu qabtay magaalooyinka Ankara iyo Istanbul, haddana waxa ugu dambeeyey Shirkii wejiga siddeedaad ee wadahadalladu 1-dii bishii March 2015-ka ku fashilmay magaalada Istanbul ka dib markii ay Ergada Somaliland ka socotay diidday inay la fadhiistaan Ergadii Soomaaliya ka socotay oo ay ku jireen 4 Xubnood oo xilal ka haya dawladda Soomaaliya, balse u dhashay Somaliland, taasoo markii dhinac waliba tiisa ku adkaystay keentay in shirkaas furmi lahaa 1-dii March fashilmo, isla markaana Ergooyinku u kala baqoolaan Hargeysa iyo Muqdisho.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories